Umu Salama
" Hinda bintu umaya R.C" waxaa dhalay Mid kamid ah odayaasha Reer Makhzuum ee ugu deeqsisan, heer deeqsinimadiisii gaartay in loogu yeero "Sahaydii Socotada" oo ah Dadka safarka baqan ah hadii sahay la'aan ku dhacdo waxa ay abaari jireen guriga umaya.
Saayga umu salama waxaa loogu yeeri jiray Cabdullaahi binu Cabdul Asad. Waxa uu kamid ah 10-ka qof ee ugu soo hor galay islaamka. Sidoo kale umu salama waxa ay ka mid aheyd dadkii ugu horeeyey ee islaama. Markii la ogaaday in ay islaameyn waxa ay cadaawad kala kulmeyn Qureysh. Jeer ay ku qasbanaadeen in uu Rasuulka N.N.K.H u fasaxo in ay Ka tagaan Makko oo ay u baxaan dhankaa iyo dhulkii Xabashida. Waxa ay kala kulmeyn soo dhaweyn wacan boqorkii najaashi Allaha ka raali noqdee. Intaa kedib waxaa soo gaartay in ay tirada muslimiinta ee makko badaneyso jeer ay soo islaameyn Xamza bin Abdi Mudalib iyo Cumar bunu khadaab Allaha ka wada raali noqdee. Taas oo xoojisay awoodda muslimiinta ee Makko laga reebay dhibkii horay loogu haayey, markaas ayee goosteen in makko dib ugu noqdaan iyaga oo aad ugu hilowsan.
Laakiin kolkii ay makko soo gaareen gaaladii qureysh waxa ay sii laba jibaareyn cadaawad iyo cabsi gelinta ay ku hayeen muslimiinta.
Kedib nabiga baa Musliiminta u idmay in ay qabtaan dhankaa iyo Madina. Umu salama iyo Saaygeeda waxa ay goosteen dadka ugu horeeya ee u baxo madina in ay kamid noqdaan. Laakiin u baqoolanka madiina sidaa uguma fududaanin umu salama iyo saaygeeda laakiin waxa ay ku noqotay mid dhib badan oo qaraar kuna reebtay uur ku taalo.
Umu salama oo ka sheekeyneeso dhacdaba ka qabsatay safarkaan ayaa tiri:
"Markaan go'aansanay in aan diyaarsano sahaydeena safarka, ratiga uu diyaariyey Abu salama kedib aan Koray ratiga cunugana dhabta ii saaranyahay uuna na hugaamiyey meel aan la inaga dhuganeyn. Inta aanan bixinba waxa aan aragnay rag reer makhzuum ah na hor istaageen. Kedib inta nagu soo boodeyn bay aniga iyo cunugii na reebteen kuna dhaheyn Saaygeegii gabadheynii meel la aadi maysid waana iga reebteen. Kedib waxa ay iga qaateen cunugeygii. Ninkeygii waxa uu aaday dhankaa iyo madina isaga oo la cararayo naftiisa iyo diintiisa. Cunugeygii waxaa dafay reer binuu Asad gacantana laga jabiyey. Laakiin aniga waxaa gacanta igu dhigay reerkeygii reer binuu Makhzuum. Saacad kaliya waxaa kala firaaqobay aniga, cunugeygii iyo Ninkeygii.
Intaa waxii ka danbeeya waxaa aan subax kasts u bixi jiray banaanka , waxaan fadhiisan jiray meeshii dhibka la iigu geestay waxaana ooyn jiray ilaa habeenki ka mugdiyoowo. Sidaan waxaan ku sugnaaday sanad ku dhawaad ilaa uu soo maray nin reerka ah uuna qalbi jilcay. Uuna ku yiri reerka maad iska sii deynsaan maskiintaan aad kala geyseen cunugeydii iyo ninkeydii. Waa ay wada hadleen kedib waxa ay go'aamiyeen in la i daayo. Laakiin sideen ugu tagi karaa beerkeygii gobolkiisa "cunuga" una qaban karaa dhankaa iyo madiino heer uu cunugayga makko joogo. Dadkii waxa ay arkeen in sidaa ku daawoobeen murugadeyda waxa ayna igala hadleen reerkii wiilka iga haystay wayna iiga soo qaadeen. Isla markii cunugii la ii keenay kama daahin in ay u baqoolaayo dhinaca madiino. Kedib waxa aan horay ugu luga darsaday safar madiino u socday aniga oo ka baqanaayo in ay ogaadaan arinteyda. Maba gaarin TANCIIM "meel 3 mile u jirto makko" waxa kula kulmay Cismaan binu Dalxa. Waxa uu i weydiiyey halkee u socotay gabadhii "socotada sahaydeedii" waxaan ku iri waxaan u socday xaajigeygii oo madina joogo. Yaa kula socdo buu raaciyey. Markaa baan ugu jawaabay cidna ilaahay iyo cunugeygii mooyee. Markaa buu yiri walaahi kaama tagayo kaa gaarsiiyo madiino. Waxa aana meesha ka sii wadanay safarkii. Wallaahi lamaana horay kulama aanan kulmin nin reer carab ah oo ka karaamo iyo sharaf badan. Mar alaale iyo markaan gaarno guri waxa uu fadhiisin jiray ratiga wuuna iga fogaanjiray ilaa aan ka dagaayo. Wuuna ka furayey rarka wuxuu ratiga ku xirayey geed. Asagana waxa uu aadi jiray geed kale siduu u seexdo. Markuu safarka soo dhawaado waxa uu diyaarinayey ratiga uuna ii keenayey aniga kedib waa fogaanayey asaga oo i leh soo kor. Markaan koro ratiga uu hogaanka qabanayey. Kama noogin inuu sidaa maalin walba sameynayo ilaa aan ka gaarnay magaaladii oo aan arkay Tuulada "Qubaa, ka fog 2 mile madiina" waxa uu igu yiri ninkaaga tuuladaan buu joogaa ku gal barakada Allah. Kedib waxa uu u gadoomay dhankaa iyo makko. Waxaa kulmay qalbiyo kala go'go'ay kala maqnaa muddo, aragtidiisana indho qabowsaday. Halkaasna waxaa ku midooway reerkii waxa ayna ugu warantay waxii dhacay"""
Intaa kedib abu salama waxa xaadiray dagaalkii badar halkaa ay muslimiinta ka muujiyeen wacdaro kana guuleysteen gaaaladii.
Kana waa dagaalkii uxud Abuu salama waxa uu dhex dabaashay moolka dagaalka. Waxa uu ka dhigay balo si libaaxnimana ah waa u dagaalamay. Waxaa soo gaaray dhaawac daran waa lagu dadaalay in la daweeyo. Abuu salama waxa uu Koray firaashka dhaawaca dartii. Waxa uu kor ahaaday firaashkii maalmo . Waxaa subax soo booqday nabiga isaga oo siyaaridii dhameysan waxa nolosha ka faaruqday Abu salama Allaha ka raali noqdee. Nabiga baa gacmaha kor u taagay waxa uuna u duceeyey Abu salama. Una tacsiyeeyey uma salama.
Uma salama waxa ay ku duceysatay in bedel kheyr leh siiyo.
Musliimintii waa la murgeen waxa ayna ugu yeereen agoontii carabta umu salama. Ma joogin madiino axad qaraabadeyda ah marka laga reebo caruurtii yaryareyd. Muslimiinta waxa ay dareemeen xaqqa ay ku leedahay umu salama ilaa uu soo dalbado Abuu bakar Sadiiq R.C inuu doonaya nafteydii. Waa ayna iska diiday. Sidoo kale waxaa soo dalbay Cumar binu khadaab R.C waa ayna celisay sida ay u celisay saaxiibkii Abuu Bakar R.C..
Kedib waxaa Dalab cajiib ah ugu yimid Rasuulka S.C.W. Umu Salama waxa ay nabiga ku tiri 3 arrin baa jirta. Waa mida 1-aad ee Waxa aan ahay Haweeney hinaanso badan waxaana ka baqayaa inaad wax iga aragto kuna carro galiya kedib Allaha ii cadaabo. Waa arrintaa 2-aad ee Waxa aan ahay haweeney da' gashay. Waa arrinta 3-aad ee waxaa aan ahay haweeney caruur leh.
Nabiga baa ugu jawaabay "Ma hinaanshaha aad ka dhawaajisay midaa waxaa kuu baryayaya Allaah inuu tagsiiyo. Ma tan ah in da' noqotay anigaba sidaada oo kale da' baan ahay. Ma arrinta caruurta, Caruurtaada waa Caruurteyda"
Kedib nabiga N.N.K.H waxa uu guursaday umu salama Rabbina ka aqbalay ducadeydii inuu wax kheyr leh ugu bedeli Abuu Salama. Laga soo bilaabo maalinta Hindo kaliya ma aysan u noqon Hooyo kaliyah Salma, waxa ay noqotay Hooyada mumiinta oo dhan.
Rabbi haku iftiimiyo wajigeeda Jannada umu salama rabbi haka raali noqdo.