Hordhac
Waxa Mahad oo dhan u sugnaatay rabbiga Caalamka oo dhan u taagan maamulka dhulalka iyo Cirarka., maamulayey makhluuqa oo dhan. Soo saaray ergo ama rusul naxariistiisa iyo nabadgalyadiisa korkooda ha ahaato, loo soo diray kuwa la hoolay (qaangaar walba) hanuunkooda iyo u cadeynta shareecada diinta adilo go’an, iyo xujooyin cadcadaa. Waan u mahad naqayaa ilaah nimco walba dusheed. Waxaan weydiisanaya dheeraad ixsaankiisa iyo deeqdiisa. Waxa aan qirayaa in uusan jirin ilaah xaq lagu caabudo aan aheyn ilaahay kaliga ahaa, qasbinta, deeqda iyo danbi dhaafka badnaa. Waxa kale oo aan qirayaa inuu nabi sayidkeeni Muxamed yahay adoonkiisa, rasuulkiisa, jaceylkiis, kii uu doortay oo ugu fadliga badnaa makhluuqa. Lagu maamuusay Quraankii Sharaf badnaa, mucjisada isdaba marka sanooyinka joogtada ahaa, iyo sunooyinka ifiyey kuwa hanuun doonka ah. Nabigaas oo lagu gaar yeelay kulminta ereyada (eray murtiyeedyada) iyo diinta fudud naxariisaha allaah iyo nabadgalyadiisa korkiisa, nabiyada intooda kale, rususha iyo mid walba xigtadiisa iyo wanaag badnayaashii ha ahaatee.
Intaa kedib waxa aan ka soo warinay Cali bin Abii-daalib, Cabdullaahi bin Mascuud, Mucaad bin Jabal, Abii Dardaa’, Cabdullaahi binu Cumar, Cabdullaahi binu Cabaas, Anas bin Maalik, Abii Hureyra, Abdii Saciidul Khudri dhammaantood allaha ka wada raali noqdee, wadooyin farabadan, riwaayado kala gedisan. Inuu rasuulka alle (N.N.K.H) yiri “Qofkii u xifdiya umadeyda afartan xadiis ka mid ah arinka dinta waxa uu ilaahay soo saaray maalinta qiyaame isaga oo ku dhex jira jamaacada fuqahada iyo culumadda. Riwaayad kale waxa ay leedahay “Ilaahay waxa uu soo saari doonaa isaga oo faqiih Caalim ah” Riwaayad kale Abii Dardaa’ “ waxa aan u ahaana (Nabi Muxamed) maalinta qiyaame Ergo geeye iyo marqaati” Riwaayad kale Cabdullaahi binu Mascuud “ waxa loo dhahaa Albaabkaa doontii ka gal janadda” Riwaayad kale Cabdullaahi binu Cumar “ waxaa loo qorayaa jameecada culumada dhexdood waxa aan loo kulminaa Jameecada Shuhadada dhexdood” Waxa ay culumada xadiisyada xifdiya isku waafaqeen in uu yahay xadiis “Daciif” ah haba badnaatee wadooyinkiisa. Waxa ay ka qoreyn culumada allaha ka raali noqdo baabkaan wax aan la soo koobi Karin oo kutub ah. Qof ugu horeeyey aan ogaaday in uu wax ka qoray waa Cabdullaahi bin Mubaarak kedib Muxamed bin Aslam Al-duusi caalim rabbaani ah, kedib Al-xasan bin Sufyaan Al-nasaa’ii, Abuu bakar Al-ajuri, Abuu bakar bin Ibraahim Al-asfahaani, Daaru qudnii, Xaakim, Abuu naciim, Abuu Cabdiraxmaan al-salmiyi, Abuu saciid al-maalini, Abuu Cuthmaan al-saabuuni, Cabdullaahi bin Muxamed Al-ansaari, Abuu al-bayhaqi, iyo khalaa’iq la soo koobi Karin kuwa hormaray iyo kuwa danbe. Waan u istikhaareystay ilaahay sareeye isku keenida afartanka xadiis kagana dayanayo culumadaan aqoonyahanada kuwaan ah, islaamka kuwa xafiday. Waxa ay culumada isku waafaqay in ay banaantahay ku dhaqanka xadiisyada “Daciifka” ah camalka fadaa’isheeda. Iyada oo tan ay jirto cuskashadeyda maaha xadiiskaan, iskabada daay waxa aan cuskaday hadalka rasuulka (N.N.K.H) xadiisyada saxiixa “Ha gaarsiiyo midkiina jooga idanka mid ah kan maqan” hadalka rasuulka (N.N.K.H) “Ilaahay ha iftiimiyo qof maqlay oraahdeyda weelay (ilaaliyey) u gutay sida uu u maqlay” intaa kedib culumada waxaa kamid ah mid aruuriyey afartan xadiis ku saabsan asalka diinta (Caqiidada), kuwa kale furuucda diinta (Axkaamta), kuwa kale Jihaadka, kuwa kale Zuhdiga, kuwa kale Aadaabta, kuwa kale khudbada, dhammaantood waa ujeedo wanaagsan ilaahay raali ahaanshihiisa korkooda ha ahaato kuwa u qasday.
Waxa aan arkay uruurinta afartanka xadiis in ay ka muhiimsantahay midaan dhamaanteed, iyada waa afartan Xadiis kulmineysa kuwaas oo dhan. Xadiis walba kamid ah waa tiir weyn kamid tiirarka diinta. Waxa ay ku tilmaameyn culimada diinta inuu ku dul wareegayo islaamka, ama kala bar islaamka, ama saddex meelood meel ama wax lamid ah kuwaa. Kedib wax aan joogteeyey afartaan xadiis dhexdood in ahaadaan Saxiix, badankoodana saxiixyada Bukhaari iyo Muslim ahaadeen. Waan xusayaa in aan jaray masnadka (silsilada) xadiiska, si ay ugu fududaato xifdintood, loo intifaacsado dhameystirkood ilaahay sareeye haduu idmo. Kedib waxa aan raaciyey baab ereyada fahankooda adagyahay lagu fududeenayo. Waxa u haboon mid walba jecel aakhiro in uu barto xadiisyadaan, goortii kulansatay waxii muhiim ah, koobsatay baraarujinta daacooyinka oo dhan. Waa mid u muuqata midkii u fiirsata, Cuskashadeyda ilaahay ahaatay, bandhigayga iyo ku tiirshadeyda dhankiisa ahaatay. Waxa u sugnaaday mahad oo dhan iyo nimcooyin. Waajafinta iyo ilaalinta xumaha isaga ayee u sugnaatay.
No comments:
Post a Comment