Monday, June 12, 2023

Faa'idada Ducadda

 "Ha murugon hadi wax aad ugu bahned ale waydisatay oo ad heli wayday hana oran ducadayda lama aqbalin waxa laga yaba waxa donaysay wax ka wayn in ale kugu buuxiyey ducadaadi"🍀


Ducadu waxay u qaybsanta 3qaybood


1 mid markasba ad hesho 

2 mid balayo kugu so socotay lagaga celiyo 

3 mid misanka xasanadka lagu saaro dunubna lagaga tirtiro 🪴

La jaanqaad waayaha

 Dhaaxaad walaaciyo

Welwel iyo dhibaatiyo

Walbahaar u joogtee

Haddii aadan waalnayn 

Waano kuuma laabnee

Waqtigii ku dhaafiyo

Wax ku qaado waayaha


✍W/Q/@Engcrisaaqsomali

Madaxweynahii hore ee Hindiya Dr Abdulkamal

 Qiso Leh Taariikh, Dhiirigelin toganna Wadata:


Madaxweynihii hore ee Hindiya Dr. Abdul Kalam mar uu taariikh qoyskiisa khuseysa ka waramayey waxa uu yidhi:

Waagii aan yaraa, Hooyaday ayaa cuntada noo karin jirtay. Habeen gaar ah ayey casho ay sameysay miiska u soo saartay Aabbe. Waxay ahayd saxan subzi iyo Rooti aad u gubtay.

Waxaan sugaayey in uu ogaado oo wax ka yidhaahdo laakiin Aabbe wuu cunay rootigii wuxuuna I waydiiyey siduu ahaa School-kaygii. Ma xusuusto waxaan u sheegay habeenkaa balse waxaan xusuustaa Hooyo oo Aabbe ka raali gelinaysa rootiga gubtay, marna ma ilaawayo wixii uu ku yidhi:
“Gacaliso, waan jeclahay rootiga gubtay”

Habeenkaa intaan Aabbe dhunkaday ayaan waydiiyey inuu jecelyahay rootiga gubtay?

Gacmihiisi intuu igu soo qabtay ayuu igu yiri: Hooyadaa maanta oo dhan ayey si adag u shaqaynaysay, aad bayna u daalanayd. Rooti gubatay cidna ma waxyeesho laakiin Erayada aadka u daran ee naxariis la’aanta ah ayaa waxyeelo geysta!

Hordhaca kitaabka Ar-baciin nawawi

  Hordhac Waxa Mahad oo dhan u sugnaatay rabbiga Caalamka oo dhan u taagan maamulka dhulalka iyo Cirarka., maamulayey makhluuqa oo dhan. Soo...