Qiso Leh Taariikh, Dhiirigelin toganna Wadata:
Madaxweynihii hore ee Hindiya Dr. Abdul Kalam mar uu taariikh qoyskiisa khuseysa ka waramayey waxa uu yidhi:
Waagii aan yaraa, Hooyaday ayaa cuntada noo karin jirtay. Habeen gaar ah ayey casho ay sameysay miiska u soo saartay Aabbe. Waxay ahayd saxan subzi iyo Rooti aad u gubtay.
Waxaan sugaayey in uu ogaado oo wax ka yidhaahdo laakiin Aabbe wuu cunay rootigii wuxuuna I waydiiyey siduu ahaa School-kaygii. Ma xusuusto waxaan u sheegay habeenkaa balse waxaan xusuustaa Hooyo oo Aabbe ka raali gelinaysa rootiga gubtay, marna ma ilaawayo wixii uu ku yidhi:
“Gacaliso, waan jeclahay rootiga gubtay”
Habeenkaa intaan Aabbe dhunkaday ayaan waydiiyey inuu jecelyahay rootiga gubtay?
Gacmihiisi intuu igu soo qabtay ayuu igu yiri: Hooyadaa maanta oo dhan ayey si adag u shaqaynaysay, aad bayna u daalanayd. Rooti gubatay cidna ma waxyeesho laakiin Erayada aadka u daran ee naxariis la’aanta ah ayaa waxyeelo geysta!
No comments:
Post a Comment