Kitaabka Al-arbacuun waxaa alifay ama qoray Yaxya binu Sharaf . Waxa uu leeyahay kunyo waxaa loo yaqaan Abuu zakariya loo yaqaan.Kunyo waa waxa ku bilowda Ab, um, Abuu fulaan umu fulaan oo kale oo ay carab dhaqan u aheyd. Tusaale waxa inta badan ay iskugu magacdari jireen magaca wiilka koowaad u dhasha oo ay dhahayaa abuu yusuf abuu abdiraxmaan waxa lamid. Sidoo kale hooyadana waxa ay la baxeysaa kunyo sidaas oo kale ah iyada oo leh umu yusuf ama umu abdiraxman iyo waxii lamid ah.Tusaale nabiga kunyadiisa waxaa la dhihi jiray Abu Qasim.
Sidoo kale kunyo isku bixinteeda kuma xirna in ilmo dhasho. Oo waad arki kareysaa dad kunyo leh oo aan ilmo dhalin waxaana noogu horeeyaa mualifka kitaabkaan ee arbaciinka. Oo kunyadiisa la dhaho Abu zakariya. Iyo Hooyada mu'miniinta oo umu Cabdullahi ku qoran tahay isla Xadiisyada kitaabka mid kamid ah.
Hadaba abu zakariyo wax ilmo ah ma dhalin sababtoo ah maba guursan waligii oo waqtigiisa oo dhan diinta ayuu ku bixiyey. Sidoo kale waxa uu leeyahay laqab ama naynaas “muxyadiin” ayaa loo yaqaan.. kii diinta nooleynaayey. Inkaste oo la soo wariyo intuu noolaa in loogu yeero neenaasta uu dhahay raali kama ihi. Imaam nawawi waxa uu dhashay taariikhda hijriga markee aheyd bisha muxamaram 631 H o oku aadan taariikhda milaadiga 1233M.
Waxa uu ahaa shiikh caalim ah faqiih ah oo diinta aad ugu xeel dheeraa. Shaafici ah. Waxa uu qoray kutub badan waxaa kamid ah Kitaabka aan caawa u fadhino ee arbaciinka ah, minhaajka kamid ah, rowdatul daalibiin kamid ah,tahdiib kamid ah , adkaar kamid ah, riyaadul saalixiin kamid ah, waxa uu sharax qeyb badan kam id ah kitaabada sharax müslim, bukhaari iyo sunan abuu daa’uud iyo kitaabo intaa k abadan. Caruur kama tagin laakiin cilmi naafic ah oo umad alle ku anfacay buu ka tagay. Guri walba oo müslim ah oo tagtay kitaabadiisa sida arbaciinka, riyaadulsaalixiin iyo adkaar lagama waayayo.
Shiikha waxa uu ku dhashay magaalo hoostagta dhulka la isku dhaho Shaam. Magaalo lagu magacaabo Nawaa. Kedib waxa uu u soo wareegay dimishiq oo shaam ah iyadaas uu 28 sanno joogay.
Waxaa la yaab leh habeen uu aabaha imaam nawawi ku tilmaamay inay aheyd 27 ramadaan in alle tusay leylatul qadriga. Mar uu soo baraarugay habeenkaa uu arkay ay dadkii kale ay arki waayeen.
Waxaa la sheegaa markuu da’ 10 jir ahaa in caruur asaagiisa marka ay kubada ama banooniga ciyaarayaan ama ciyaaraha kale ee caruurta cayaaran waa uu iska diidi jiray in uu la booboodo caruurta la loodka ah. İlaa uu shiikhiisii sh yasin ibnu Yusuf azshakasi uu ka dareemay mustaqbalkiisa inuu noqon nin umuur weyn soo wada oo diinta iyo cilmiga gacan libaax ah ka geesan doono. Markaas uu shiikhiisa u yimid macalinkii quraanka u akhrinayey imaam nawawi oo u dardaarmay kuna yiri “ willkaa yarka ah ka warqab waxa aan rajeynayaa inuu noqdo dadka waqtigaa joogo ruuxa ugu aqoon badan uguna zaahidsan. Waxaana laga yaabaa in umadda ku intifaacaan cilmigiisa iyo aqoontiisa. Markaa buu macalinkii ku yiri ma faaliya tahay sidee ku ogaatay. Faaliya ma ihi uu yiri shiikhii laakiin ilaah ayaa iga hadashiiyay astaamo wanaagsan baa iiga muuqdo wiilka.
Waalidkiisa baa arinkaa loo sheegay waa uu kula dadaalay. Quraanka isaga oo wali qaan gaarin oo wiil yar ayuu xifdiyey.
19 jir markuu gaarayna aabihii dimishiq ayuu u soo waregay oo aheyd meel cilmiga iyo culumada caan ku aheyd ilaa uu ka geeriyooday halkaa ayuu joogay. Halkaa ayuu marna waxa ka bartaa, qoraa marna dadkuu wax bari jiray.waxa uu xaadiri 12 darsi maalintii Soonka sunadda iyo salaatu leylka aad buu joogteen jiray Labis ahaan mid aad u xaragooda muu aheyn si caadi ah ayuu labisan jiray Habeen iyo maalin halmar ayuu wax cuni jiray. Meel walbana wax kama cuni jiray isaga oo xaaraan iska ilaalinayo ayuu halmar cunto uu keeni jiray aabihii. Waxa uu aha nin dagan alle ka cabsigiisa badan yahay, waqtigiisana aad ugu faa’ideysta. Haduu socdo, ama fadhiyo amaa taagan yahay mar uu dadka wax baro iyo mar uu wax qoro ayuu sameyn jiray.
İntuusan dhiman kitaabo oo haystay dadkii lahaa u celiyey, culumadiisii qubuurtoodoo soo booqday una duceeyey, beytul maqdis uu tagay uuna soo booqday. Kedib magaaladii nawaa aheyd uu ku dhasho ayuu ku soo noqday. Halkaa ayuu ku xanuunsaday . magaalada nawaa habeen arbaco ah galinkiisa danbe bisha rajabna ay tahay 14 sanadka hijriga uu yahay 676 ama milaadi ahaan 1277-kii da'diisa 45 ayuu tufay neeftiisii ugu danbeysay halkaas ayaana lagu aasay umadda islaamkana aad bay geeridiisa qalbiyadooda u ruxday. Nin awliyo ilaahay ah oo karaamooyinkiisa la arkay ayuu ah. İlaahay qabrigiisa ha u nuuriyo raxmadii balaaran ha ugu deeqo.
No comments:
Post a Comment