Friday, February 4, 2022

Xadiithyo Afsoomaali ah

عن ابنِ عمرَ رَضِي اللهُ عَنْهُما قالَ: أَخَذَ رسولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ بِمَنْكِبَيَّ فقالَ:

{كُنْ فِي الدُّنْيَا كَأَنَّكَ غَرِيبٌ أَوْ عَابِرُ سَبِيلٍ}. 


وكانَ ابنُ عُمَر رَضِي اللهُ عَنْهُما يقولُ: إذا أمسيـْتَ فلا تَنْتَظِرِ الصَّباحَ، وإذا أَصْبَحْتَ فَلا تَنْتَظِرِ المساءَ، وخُذْ مِن صِحَّتِكَ لِمَرَضِكَ ، ومِنْ حياتِكَ لِمَوْتِكَ. 

رواه البخاريُّ.

Xadiiskan uu Nabiga SCW uu Ka Wariyey Saxaabiga jaliilka ee CABDULAHI BINU CUMAR RC

waxa uu leeyahay "AHAW MID ADUUNKA KU AH QARIIB( DOOL) AMA QOF WADA GUDBAAYO OO KALE.


IBUNU CUMAR oo Sii hadlaaya waxa uu leeyahay: 


Hadii aad Galabaysato ha Sugin subaxdii, Hadii aad subaxaysatana ha Sugin in aad Galabaysato,

 Caafimaadkaaga ka faa'iidayo inta aadan xanuunsan, Noloshaadana Ka faa'iidayo geerida Ka hor. 

Waxaa Soo arooriyey Bukhari.


- عن أبي موسى الأشعري - رضي الله عنه - قال: قال الرسول - صلى الله عليه وسلم -: ((مثل الذي يذكر ربَّه والذي لا يذكر ربه، مثلُ الحي والميت))؛ رواه البخاري.

XADIISKAN OO NABIGA SCW KA WARINAYO SAXAABIGA ABUU MUUSA AL ASHCARI RC. 


Waxa uu leeyahay NABIGU SCW: Qofka Allah SWT Xusa iyo Qofka Xusin Waxay kala yihiin Qof Nool iyo Qof dhintay oo kale. 


Bukhaariga Ayaa Wariyey Xadiiska 


Macnaha guud ee ee xadiiska: Xuska allah SWT waxaa Ka mid ah QUR'AAN AKHRISKA, WARDIGA, BARYADA ALLAH SWT, MAGAN GAL ALLAH SWT WIXII XUN IYO DHAMAAN WAAJIBAADKII KALE EE KU SAARNAA waxaas oo dhani waa Xuska allah SWT.

قالَ رَسُولُ اللَّه ﷺ :-

{ أكثِروا الصَّلاةَ عليَّ يومَ الجمُعةِ وليلةَ الجمُعةِ فمَن صلَّى عليَّ صلاةً 

صلَّى اللهُ عليهِ عَشرًا }.

Rasuulka Scw wuxuu yiri:- { Waxaad badisaan Saliga maalinta Jimcaha iyo habeenka Jimcaha qofkii igu salliyo hal mar ilaahey ayaa isna ku sallinaya toban jeer }.


حديث القدسي 

عن أَبي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ قال : قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ : ( قَالَ اللَّهُ : كُلُّ عَمَلِ ابْنِ آدَمَ لَهُ إِلا الصِّيَامَ فَإِنَّهُ لِي وَأَنَا أَجْزِي بِهِ . . . الحديث ) . رواه البخاري


Xadiiskan oo uu Nabiga SCW Ka warinayo Saxaabiga jaliilka ah Abuu HURAYRA, Nabiga SCW waxa uu dhahay:


  Allah SWT waxa uu dhahay: DHAMMAAN ACMAADHA( CIBAADOOYINKA) ADOOMADAYDU SAMEEYAAN IYAGA AYAA ISKA LEH MARKA LAGA REEBO SOONKA, SOONKU ANIGA AYUU II AHAADAY ANIGAANA ABAALMARINTIISA BIXINAAYA!


HADABA Dhamaan cibaadooyinka Abaal marintooda ma qof aan Allah SWT ahayn baa bixiya? Maya ee waxaa soonka looga soo reebay Ayey Culumadu leeyihiin Cibaadooyinka kale waxaa Ka suuragasha qofka inuu istutus ( الرياء) iyo dadku ha Ku arkaan u samaynayo laakiin Soonku sidaa waa Ka duwanyahay Maxaayeelay in aad Soomantahay iyo in kale adiga iyo Allah SWT kaliya baa Isla og. 


Bukhari Ayaa soo Wariyey.

«992» وَحَدَّثَنِي عَنْ مَالِكٍ عَنْ يَحْيَى بْنِ سَعِيدٍ عَنْ سَعِيدِ بْنِ أَبِي سَعِيدٍ الْمَقْبُرِيِّ عَنْ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ أَبِي قَتَادَةَ عَنْ أَبِيهِ أَنَّهُ قَالَ: جَاءَ رَجُلٌ إِلَى رَسُولِ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ فَقَالَ: يَا رَسُولَ اللَّهِ إِنْ قُتِلْتُ فِي سَبِيلِ اللَّهِ صَابِرًا مُحْتَسِبًا مُقْبِلاً غَيْرَ مُدْبِرٍ أَيُكَفِّرُ اللَّهُ عَنِّي خَطَايَايَ فَقَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: ((نَعَمْ)). فَلَمَّا أَدْبَرَ الرَّجُلُ نَادَاهُ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ أَوْ أَمَرَ بِهِ فَنُودِيَ لَهُ فَقَالَ لَهُ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: ((كَيْفَ قُلْتَ)). فَأَعَادَ عَلَيْهِ قَوْلَهُ فَقَالَ لَهُ النَّبِيُّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: ((نَعَمْ إِلاَّ الدَّيْنَ كَذَلِكَ قَالَ لِي جِبْرِيلُ)).


Xidiiskan oo uu Nabiga SCW Ka warinayo Saxaabiga  jaliilka ah Abii Qataada, isaguna Aabihii rabiica uu Ka soo Wariyey:


Waxa uu leeyahay Ninbaa NABIGA  SCW u Yimid markaas Ayuu weydiiyey Yaa Rasuulalaah: 


Hadii lagu Dilo adigoo wadada Allah SWT Ku tagaalamaya, adigoo walibana Ku sabirsan, ajirna raadinaya, aan cararayn( fulaynimo) Allah SWT ma ii dhaafayaa dambiyadaydii (gafafkaygii)?  Haa Ayuu Ku dhahay NABIGU SCW!


Markuu ninkii dhaqaaqay Ayuu NABIGU SCW u dhawaaqay markaas Ayuu ku dhahay KUSOO CELI QAABKII AAD I WRYDIISAY SU'AASHA markaas Ayuu Ku soo celiyey. Markaas Ayuu NABIGU SCW Ku dhahay: HAA!  mar labaad laakiin waxa uu Ka soo reebay DEYNTA! Waxaana sidaa igu dhahay JIBRIIL AYUU NABIGU SCW UGU JAWAABAY?


Marka HALKAAS WAXAAN KA FAHMAYNAA DEYNTU DHİBAATADEEDA in  Xitaa qofkii Jihaadka Allah SWT Ku dhinta aan laga dhaafayn! 


Waxaa Wariyey Xidiiskan IMAAMU MAALIKA WUXUUNA KU QORAY KITAABKIISA MUWADHA


عن أبي هريرة -رضي الله عنه- قال: سمعت رسول الله -صلى الله عليه وسلم- يقول: . : (إن الله خلق الرحمة يوم خلقها مائة رحمة فأمسك عنده تسعاً وتسعين رحمة، وأرسل في خلقه كلهم رحمة واحدة، فلو يعلم الكافر بكل الذي عند الله من الرحمة لم ييأس من الجنة، ولو يعلم المؤمن بكل الذي عند الله من العذاب لم يأمن من النار).

رواه البخاري.


Xadiiskan Oo uu NABIGA SCW Ka wariyey Saxaabiga Abuu Hurayra RC, Ayaa waxa uu NABIGU SCW leeyahay: 


Allah SWT Waxa uu Abuuray NAXIISTA( Raxmada) Maalintu Abuurayey 100 Raxmadood Agtiisa waxaa ku Nagaatay 99 Raxmadood 1 xabo kaliya Ayuu  Makhluuqiisa kuligood  u soo diray,  Hadii Ay Gaaladu ogaan lahayeen Naxariista Ebe Agtiisa ahaatay Kamaysan Quusan lahayd Janadiisa, sidoo kale Hadii Mu'miniintu ogaan lahayeen Cadaabka Eebe Agtiisa ahaaday Kamaysan Aamin la aadeen Cadaabkiisa. 


Macnaha Guud ee Xadiiska: 

Si kasta oo aad u Dambaabto U noqo Kii ku Abuuray naxariistiisana ha Ka Quusan 

Si kasta oo aad cibaadaysatana ha u malayn in aad Ka Aamintahay  ciqaabta Eebe hadii uu san  naxariistiisa kugu galadaysan. 


Allah SWT ha iga yeelo kuwuu naxariistiisa ku galadaysto Aamin


عن عبد الله بن عمر -رضي الله عنهما- عن النبي -صلى الله عليه وسلم- قال: (ما مِن أيَّامٍ أَعظَمَ عِندَ اللهِ، ولا أَحَبَّ إلَيهِ مِنَ العملِ فيهِنَّ مِن هذِه الأَيَّامِ العَشرِ؛ فأَكثِرُوا فيهِنَّ مِنَ التَّهليلِ، والتَّكبيرِ، والتَّحميدِ) أخرجه أحمد.

Nuxurka xadiiska waa: Màalmo ka weyn oo Allaah agtiisa laga jecelyahay Camal laqabto maalmahaan tobanka ah ma jiraan ee badiya takbiirta tahliilka iyo taxmiidda. IMAAMU Axmed ayaa Wariyey.


                                        عجبا لأمر المؤمن! 

عن صهيب الرومي رضي الله عنه عن رسول الله -صلّى الله عليه وسلّم- أنّه قال: (عَجَبًا لأَمْرِ المُؤْمِنِ، إنَّ أمْرَهُ كُلَّهُ خَيْرٌ، وليسَ ذاكَ لأَحَدٍ إلَّا لِلْمُؤْمِنِ، إنْ أصابَتْهُ سَرَّاءُ شَكَرَ، فَكانَ خَيْرًا له، وإنْ أصابَتْهُ ضَرَّاءُ، صَبَرَ فَكانَ خَيْرًا له)،

رواه مسلم

Xadiiskan Oo uu NABIGA SCW Ka wariyey Saxaabiga Suhayb Al Ruumi RC Waxa uu leeyahay NABIGU SCW: 


 Waxaa cajiibleh Arinka Mu'minka, Umuurtiisa oo Dhani Waa khayr laakiin Qof kale arintaasi khayr uma ahan Midka Mu'minka dhabta ah ma ahane, Hadii Arin farxad leh uu helo waa ku SHUKRIYAA, Waxayna u tahay khayr isaga, 

 Sidoo kale hadii Arin dhibaato ah ay ku dhacdana waa KU SABRAA Waxayna u tahay khayr isaga. 

Muslim Ayaa wariyey Xadiiska.


Macnaha Guud ee Xadiiska:  


Qofka Muslimka ah ee waliba İmaankiisu Dhamaystiranyahay waa arinta uu oga duwanyahay Midka aan imaanka lahayn ama imaankiisu daciifkayahay.


Tusaale: Qadarka khayrkiisa iyo sharkiisa oo lagu SABRAA waa Rukni Ka mid ah Arkaanta iimaanka, Sidaa darteed kama suurowdo Qof aan İmaan lahayn inuu ku sabro dhib ku dhacay Ama ku shukriyo Nimcada uu helay.


Dadka Aan imaanka lahayni dhibka ugu weyn iyo cidhiidhiga ay dareemayaani waa Meel Ka madhan Qalbigooda Halkaas oo uu san buuxinayn wax AAN IMAAN AHAYN.  


الحمدلله على نعمة الإسلام.

صلو على الحبيب محمد 

صلى الله عليه وسلم

No comments:

Post a Comment

Hordhaca kitaabka Ar-baciin nawawi

  Hordhac Waxa Mahad oo dhan u sugnaatay rabbiga Caalamka oo dhan u taagan maamulka dhulalka iyo Cirarka., maamulayey makhluuqa oo dhan. Soo...