Imaamu Shaafici RAXIMAHULAAHU ayaa la weydiiyey:-
1- Maxaa waajib ah - maxaase ka sii waajibsan?
2- Maxaa cajiib ah - maxaase ka sii cajiibsan?
3- Maxaa adag - maxaase ka sii adag?
4- Maxaa dhow - maxaase ka sii dhow?
Wuxuu ku Jawaabay:-
1- Dadka waxaa ku waajib ah iney Eebe u laabtaan - Waxaana ka waajibsan dembiga oo laga fogaado.
2- Waxaa cajiib ah xiliga iyo Is gedgedintiisa - Waxaase ka cajiibsan dadka ilooba arinkaa.
3- Masiibada in lagu sabraa waa adayg - waxaase ka sii adag ajarkeeda oo la waayo.
4- Rajo walba wey dhowdahay - Waxaase ka sii dhow geerida.
No comments:
Post a Comment