Monday, March 6, 2023

Nuucyada Fardaha

 Midabbada Fardaha


ASHKIR : waa Farsaka cas oo aan midab kale ku dhexjirin , timihiisuna cas yihiin

XAMAR : waa faraska cas balse ay timihiisu madow yihiin waana laba nooc (mid bunni xiga iyo mid casaan xiga)

BULLAALE : waa faraska cad laakiin caddaankiisa uu ku jiro dambari , timihiisa iyo minjihiisuna madow yihiin

QAAJE : waa faras caddaan khaalisa ah oo aan midabbo kale ku dhexjirin

CAYNAB : waa faras madow dhuxuli ah oo aanuu midabkale ku dhexjirin

BOOD : waa faraska cad oo caddaankiisu cawlaan xigo

BAROOR : waa faras aan hal midab lahayn ee midabbo badanoo isku jira leh (afar midable)


Noocyada Fardaha


Fardaha kooda Lab waa : FARAS ama SENGE

Dheddigana : GEENYO

Ubadkana : DARMAAN lab & dheddigba

Dhasha fardaha aan ababin : BOGCAD

Faraska la dhufaanay : SENGE

Faraska aadka u dheereeya : BAXDOW 

Faraska orodka yar : MAGAAN 

______________________


Cida fardaha waxaa la dhahaa : DANAN

Boqolka faras  waxaa laysku dhahaa : Wegen

_______________________


 


Orodka Fardaha

Orodka aan dheerayn : GAALIB

Orodka afarta addin ah : KADLE

Markay durdurinayaan waxaa la dhahaa : QAATIMEYN

Markay iska taxtaxaashayaan waxaa la dhahaa : NUUXEYN

Orodka fardaha xilliga barwaaqada : GARMAAME

Orodka ugu gaaban ee farduhu sameeyaan : KOOSE

Bootinta dheer ee fardaha : WANKALAALI

Waxa kaloo orodka fardaha kamid ah : HARDAF , JEEFAG


No comments:

Post a Comment

Hordhaca kitaabka Ar-baciin nawawi

  Hordhac Waxa Mahad oo dhan u sugnaatay rabbiga Caalamka oo dhan u taagan maamulka dhulalka iyo Cirarka., maamulayey makhluuqa oo dhan. Soo...