Thursday, August 26, 2021

Qisadii mid ka mid ah Hooyada mu'miniinta "Umu Salama"

 

Umu Salama

" Hinda bintu umaya R.C" waxaa dhalay Mid kamid ah odayaasha Reer Makhzuum ee ugu deeqsisan, heer deeqsinimadiisii gaartay in loogu yeero "Sahaydii Socotada" oo ah Dadka safarka baqan ah hadii sahay la'aan ku dhacdo waxa ay abaari jireen guriga umaya. 

Saayga umu salama waxaa loogu yeeri jiray Cabdullaahi binu Cabdul Asad. Waxa uu kamid ah 10-ka qof ee ugu soo hor galay islaamka. Sidoo kale umu salama waxa ay ka mid aheyd dadkii ugu horeeyey ee islaama. Markii la ogaaday in ay islaameyn waxa ay cadaawad kala kulmeyn Qureysh. Jeer ay ku qasbanaadeen in uu Rasuulka N.N.K.H u fasaxo in ay Ka tagaan Makko oo ay u baxaan dhankaa iyo dhulkii Xabashida. Waxa ay kala kulmeyn soo dhaweyn wacan boqorkii najaashi Allaha ka raali noqdee. Intaa kedib waxaa soo gaartay in ay tirada muslimiinta ee makko badaneyso jeer ay soo islaameyn Xamza bin Abdi Mudalib iyo Cumar bunu khadaab Allaha ka wada raali noqdee. Taas oo xoojisay awoodda muslimiinta ee Makko laga reebay dhibkii horay loogu haayey,  markaas ayee goosteen in makko dib ugu noqdaan iyaga oo aad ugu hilowsan. 

Laakiin kolkii ay makko soo gaareen gaaladii qureysh waxa ay sii laba jibaareyn cadaawad iyo cabsi gelinta ay ku hayeen muslimiinta. 

Kedib nabiga baa Musliiminta u idmay in ay qabtaan dhankaa iyo Madina.  Umu salama iyo Saaygeeda waxa ay goosteen dadka ugu horeeya ee u baxo madina in ay kamid noqdaan. Laakiin u baqoolanka madiina sidaa uguma fududaanin umu salama iyo saaygeeda laakiin waxa ay ku noqotay mid dhib badan oo qaraar kuna reebtay uur ku taalo. 

Umu salama oo ka sheekeyneeso dhacdaba ka qabsatay safarkaan ayaa tiri:

"Markaan go'aansanay in aan diyaarsano sahaydeena safarka, ratiga uu diyaariyey Abu salama kedib aan Koray ratiga cunugana dhabta ii saaranyahay uuna na hugaamiyey meel aan la inaga dhuganeyn. Inta aanan bixinba waxa aan aragnay rag reer makhzuum ah na hor istaageen. Kedib inta nagu soo boodeyn bay aniga iyo cunugii na reebteen kuna dhaheyn Saaygeegii  gabadheynii meel la aadi maysid waana iga reebteen. Kedib waxa ay iga qaateen cunugeygii. Ninkeygii waxa uu aaday dhankaa iyo madina isaga oo la cararayo naftiisa iyo diintiisa. Cunugeygii waxaa dafay reer binuu Asad gacantana laga jabiyey. Laakiin aniga waxaa gacanta igu dhigay reerkeygii reer binuu Makhzuum. Saacad kaliya waxaa kala firaaqobay aniga, cunugeygii iyo Ninkeygii.

Intaa waxii ka danbeeya waxaa aan subax kasts u bixi jiray banaanka , waxaan fadhiisan jiray meeshii dhibka la iigu geestay waxaana ooyn jiray ilaa habeenki ka mugdiyoowo. Sidaan waxaan ku sugnaaday sanad ku dhawaad ilaa uu soo maray nin reerka ah uuna qalbi jilcay. Uuna ku yiri reerka maad iska sii deynsaan maskiintaan aad kala geyseen cunugeydii iyo ninkeydii. Waa ay wada hadleen kedib waxa ay go'aamiyeen in la i daayo. Laakiin sideen ugu tagi karaa beerkeygii gobolkiisa "cunuga" una qaban karaa dhankaa iyo madiino heer uu cunugayga makko joogo. Dadkii waxa ay arkeen in sidaa ku daawoobeen murugadeyda waxa ayna igala hadleen reerkii wiilka iga haystay wayna iiga soo qaadeen.  Isla markii cunugii la ii keenay kama daahin in ay u baqoolaayo dhinaca madiino. Kedib waxa aan horay ugu luga darsaday safar madiino u socday aniga oo ka baqanaayo in ay ogaadaan arinteyda. Maba gaarin TANCIIM "meel 3 mile u jirto makko" waxa kula kulmay Cismaan binu Dalxa.  Waxa uu i weydiiyey halkee u socotay gabadhii "socotada sahaydeedii" waxaan ku iri waxaan u socday xaajigeygii oo madina joogo. Yaa kula socdo buu raaciyey. Markaa baan ugu jawaabay cidna ilaahay iyo cunugeygii mooyee. Markaa buu yiri walaahi kaama tagayo kaa gaarsiiyo madiino. Waxa aana meesha ka sii  wadanay safarkii. Wallaahi lamaana horay kulama aanan kulmin nin reer carab ah oo ka karaamo iyo sharaf badan. Mar alaale iyo markaan gaarno guri waxa uu fadhiisin jiray ratiga wuuna iga fogaanjiray ilaa aan ka dagaayo. Wuuna ka furayey rarka wuxuu ratiga ku xirayey geed. Asagana waxa uu aadi jiray geed kale siduu u seexdo. Markuu safarka soo dhawaado waxa uu diyaarinayey ratiga uuna ii keenayey aniga kedib waa fogaanayey asaga oo i leh soo kor. Markaan koro ratiga uu hogaanka qabanayey. Kama noogin inuu sidaa maalin walba sameynayo ilaa aan ka gaarnay magaaladii oo aan arkay Tuulada "Qubaa, ka fog 2 mile madiina"  waxa uu igu yiri ninkaaga tuuladaan buu joogaa ku gal barakada Allah. Kedib waxa uu u gadoomay dhankaa iyo makko. Waxaa kulmay qalbiyo kala go'go'ay kala maqnaa muddo, aragtidiisana indho qabowsaday. Halkaasna waxaa ku midooway reerkii waxa ayna ugu warantay waxii dhacay"""


Intaa kedib abu salama waxa xaadiray dagaalkii badar halkaa ay muslimiinta ka muujiyeen wacdaro kana guuleysteen gaaaladii. 

Kana waa dagaalkii uxud Abuu salama waxa uu dhex dabaashay moolka dagaalka. Waxa uu ka dhigay balo si libaaxnimana ah waa u dagaalamay. Waxaa soo gaaray dhaawac daran waa lagu dadaalay in la daweeyo.  Abuu salama waxa uu Koray firaashka dhaawaca dartii. Waxa uu kor ahaaday firaashkii maalmo . Waxaa subax soo booqday nabiga isaga oo siyaaridii dhameysan waxa nolosha ka faaruqday Abu salama Allaha ka raali noqdee.  Nabiga baa gacmaha kor u taagay waxa uuna u duceeyey Abu salama. Una tacsiyeeyey uma salama. 

Uma salama waxa ay ku duceysatay in bedel kheyr leh siiyo. 

Musliimintii waa la murgeen waxa ayna ugu yeereen agoontii carabta umu salama. Ma joogin madiino axad qaraabadeyda ah marka laga reebo caruurtii yaryareyd. Muslimiinta waxa ay dareemeen xaqqa ay ku leedahay umu salama ilaa uu soo dalbado Abuu bakar Sadiiq R.C inuu doonaya nafteydii. Waa ayna iska diiday. Sidoo kale waxaa soo dalbay Cumar binu khadaab R.C waa ayna celisay sida ay u celisay saaxiibkii Abuu Bakar R.C..

Kedib waxaa Dalab cajiib ah ugu yimid Rasuulka S.C.W. Umu Salama waxa ay nabiga ku tiri 3 arrin baa jirta. Waa mida 1-aad ee Waxa aan ahay Haweeney hinaanso badan waxaana ka baqayaa inaad wax iga aragto kuna carro galiya kedib Allaha ii cadaabo. Waa arrintaa 2-aad ee Waxa aan ahay haweeney da' gashay. Waa arrinta 3-aad ee waxaa aan ahay haweeney caruur leh. 

Nabiga baa ugu jawaabay "Ma hinaanshaha aad ka dhawaajisay midaa waxaa kuu baryayaya Allaah inuu tagsiiyo.  Ma tan ah in da' noqotay anigaba sidaada oo kale da' baan ahay. Ma arrinta caruurta, Caruurtaada waa Caruurteyda"

Kedib nabiga N.N.K.H waxa uu guursaday umu salama Rabbina ka aqbalay ducadeydii inuu wax kheyr leh ugu bedeli Abuu Salama. Laga soo bilaabo maalinta Hindo kaliya ma aysan u noqon Hooyo kaliyah Salma, waxa ay noqotay Hooyada mumiinta oo dhan. 

Rabbi haku iftiimiyo  wajigeeda Jannada umu salama rabbi haka raali noqdo.


Sunday, May 9, 2021

Xadiithta Ramadaanka

MAALINTA 1-AAD

 عن أبي هريرة رضي الله عنه أن النبي صلى الله عليه وسلم قال :" ما من يوم يصبح العباد فيه إلا ملكان ينزلان فيقول أحدهما : اللهم أعط منفقا خلفاً ، ويقول الآخر : اللهم أعط ممسكاً تلفاً " . رواه البخاري ومسلم .

Nuxurka xadiiska waa: Maalin walbo oo uu waaga u baryo addoomada  waxaa soo dago labo malag mid waxa uu yiraahdaa Alloow kan wax baxsaday baddal sii kan aan wax bixin ka mari(baab'i).

MAALINTA 2-AAD

 عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ قَالَ قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: "مَنْ صَامَ رَمَضَانَ إِيمَانًا وَاحْتِسَابًا غُفِرَ لَهُ مَا تَقَدَّمَ مِنْ ذَنْبِهِ".  رواه البخاري 

Nuxurka XADIIDTH waa: Qofkii Ramadaanka ooga isaga oo rumaysan, ajar doona ah, waxaa loo dhaafaa wixii danbi ah ee uu horey u sameeyey. 

Bidhaamin: waxa uu na barayaa XADIITH-KANI muhiimada ay leedahay inaan oogno bishaan barakaysan, raandhiiska ay leedahay in qofku camalka uu sameynayo la yimaado niyo wanaagsan iyo in Eebbe yahay mid naxariis badane ah. Aynu ku dadaalno acmaasha wanaagsan si Eebbe inoogu dambi dhaafo.

MAALINTA 3-AAD

 أبي موسى عبد الله بن قيس الأشعري ، عن النبي ﷺ قال: "إن الله تعالى يبسط يده بالليل ليتوب مسيء النهار، ويبسط يده بالنهار ليتوب مسيء الليل حتى تطلع الشمس من مغربها".رواه مسلم. 

Macnaha Xadiiska: "Allaah waxa uu fidiyaa gacantiisa habeenkii si uu ugu gaf dhaafo inta gaftay maalinkii, Allaah waxa uu u fidiyaa gacantiisa maalinkii si uu ugu gaf dhaafo inta gaftay habeenkii". 

Albaabka soo laabashada iyo dalbashada dambi dhaafka waa uu furan yahay habeen iyo maalin ee haka quusan naxariista Rabbi haddaad gafto dambi dhaaf dalbo.

MAALINTA 4-AAD

 عن أبي ذر رضي الله عنه: أن ناسًا من أصحاب رسول الله صلى الله عليه وسلم قالوا للنبي صلى الله عليه وسلم: يا رسول الله، ذهب أهل الدثور بالأجور، يصلون كما نصلي، ويصومون كما نصوم، ويتصدقون بفضول أموالهم، قال: ((أوَليس قد جعل الله لكم ما تصدقون؟ إن لكم بكل تسبيحةٍ صدقةً، وكل تكبيرةٍ صدقةً، وكل تحميدةٍ صدقةً، وكل تهليلةٍ صدقةً، وأمرٍ بالمعروف صدقةً، ونهيٍ عن منكرٍ صدقةً، وفي بُضْعِ أحدكم صدقةً))، قالوا: يا رسول الله، أيأتي أحدنا شهوته ويكون له فيها أجرٌ؟ قال: ((أرأيتم لو وضعها في حرامٍ، أكان عليه وزرٌ؟ فكذلك إذا وضعها في الحلال كان له أجرٌ))؛ رواه مسلم. 

Macnaha Xadiiska: Koox asxaabta ka mid ayaa Nabiga SCW ku yidhi: Dadkii xoolaha lahaa wixii ajir (abaal-marin) ahaa waay la qaateen, way Tukadaan, way Soomaan sida annaga oo kale, waxa ay baxsadaan dheeriga xoolahooda (Sadaqo ahaan). Rasuulka SCW ayaa ku yidhi: Miyuusan Allaah idiin yeelin wax aad baxsan kartaan? Tasbiix(سبحان الله) kasto sadaqo ayay idiin tahay, Tahliil (لا إله إلا الله) kasta  sadaqo ayay idiin tahay, Taxmiid(الحمد لله) kastaa waa idiin sadaqo, Farista wanaaga waa idiin sadaqo, Reebista xumaha waa idiin sadaqo xitaa u tagista Ooridaada waa idiin sadaqo. Waxa ay yidhaahdeen: Midkeen asaga oo gudanayo Shahwadiisa (rabitaankiisa) xitaa ma abaal-marin  buu helayaa?  Nabiga ayaa garan siiyay oo yidhi: Ka warrama hadduu si aan banaaneyn u guto qofka rabitaankiisa soo gaf kuma dhaco oo ganaax ma mudanayo caynkaas oo kale qofkii rabitaankiisa si sharciga ogol yahay u guto abaal-marin ayuu leeyahay.

MAALINTA 5-AAD

أوس بن أوس رضي الله عنه ولفظه: سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول: من غسل واغتسل يوم الجمعة وبكر وابتكر ومشي ولم يركب ودنا من الإمام فاستمع ولم يلغ كان له بكل خطوة عمل سنة أجر صيامها وقيامها. وقد حسنه الترمذي وسكت عليه أبو داود. 

Macnaha Xadiiska: Ruuxii soo qubaysta(maydha) oo yimaado xilli hore masjidka oo soo lugeeya(socda) oo aan soo raacin gaadiid u soo dhowaada Imaanka dhageysto khudbada oo aan iska dayicin, waxa uu helayaa talaabo walbo oo uu soo qaaday abaal marinta sanad soonkeeda iyo istaageeda ah". 

Yacnii haddii aad shantaas arrin qabato wax'aad ku helaysaa talaabo kasto oo aad soo qaaday ajirka soon iyo istaag (sida Salaad iwm) hal sano ah waa hadda talaabo kaste.

MAALINTA 6-AAD

 عن أبي أمامة الباهلي رضي الله عنه أن رسول الله صلى الله عليه وآله وسلم يقول: «دَاوُوا مَرضاكُمْ بِالصَّدقةِ» حسنه الألباني في صحيح الجامع 

Macnaha xadiiska waa: Dadka idin ka xanuunsan ku daweeya sadaqada.

MAALINTA 7-AAD

وعن عمرَ بن الخطاب  : أَنَّ النَّبِيَّ ﷺ قَالَ: "إِنَّ اللَّه يَرْفَعُ بِهذَا الكِتَابِ أَقوامًا، ويضَعُ بِهِ آخَرين".  رواه مسلم 

Macnaha xadiiska waa: Allaah waxa uu darajadiisa kor u qaadaa ciddii akhriso Qur'aanka oo ku dhaqanto, waxa uu hoos u dhigaa kuwa ka tago akhrintiisa iyo ku dhaqankiisa.

MAALINTA 8-AAD

: عن أَبي هريرة ، عن النبيِّ ﷺ قَالَ: مَنْ نَفَّس عَنْ مُؤْمِنٍ كُرْبةً منْ كُرب الدُّنْيا نفَّس اللَّه عنْه كُرْبةً منْ كُرَب يومِ الْقِيامَةِ، ومَنْ يسَّرَ عَلَى مُعْسرٍ يسَّرَ اللَّه عليْهِ في الدُّنْيَا والآخِرةِ، ومَنْ سَتَر مُسْلِمًا سَترهُ اللَّه فِي الدُّنْيا وَالآخِرَةِ، واللَّه فِي عَوْنِ العبْدِ مَا كانَ العبْدُ في عَوْن أَخيهِ، ومَنْ سَلَكَ طَريقًا يلْتَمسُ فيهِ عِلْمًا سهَّل اللَّه لهُ به طَريقًا إِلَى الجنَّة. وَمَا اجْتَمَعَ قَوْمٌ فِي بيْتٍ منْ بُيُوتِ اللَّه تعالَى، يتْلُون كِتَابَ اللَّه، ويَتَدارسُونهُ بيْنَهُمْ إلَّا نَزَلَتْ عَلَيْهِمُ السَّكِينةُ، وغَشِيَتْهُمُ الرَّحْمةُ، وحفَّتْهُمُ الملائكَةُ، وذكَرهُمُ اللَّه فيمَنْ عِندَهُ. ومَنْ بَطَّأَ بِهِ عَملُهُ لَمْ يُسرعْ به نَسَبُهُ".   رواه مسلم.


Macnaha xadiiska waa: Qofkii ka feydo walaalkiisa muslimka ah murugo ka mid ah murugooyinka adduunka Allaah ayaa ka feydayo murugo ka mid ah murugooyinka aakhiro, qofkii u khafiifiya mid dhibane ah oo deyn uu ku lahaa adduunyada Allaaha ayaa asagana u khafiifnaya adduunyo iyo aakhiraba, ruuxa walaalkii muslimka ah u ceeb astura asagana Allaah ayaa u ceeb asturaya adduun iyo aakhiro, Allaah waxa uu addoonkiisa garabsiiyaa inta uu walaalkii garabsiiyo, qofkii qaada dariiq uu ku raadinayo barashada ogaalka(Aqoonta) suuban waxa uu Allaah u fududeeyaa dhabbaha jannada, qolo iskuguma timaaddo guri ka mid ah guryaha Allaah oo ay ku akhrinayaan kitaabka Allaah dhaxdoodana isku daraaseeynayo oo wax isbarayo illaa waxaa ku soo dagta oo dushooda ahaata naxariis kaga timid xagga Allaah iyo daganaan waxaa ilaalo ka noqda Malaa'ikta Allaahna waxa uu u sheegaa Malaa'ikta kale, qofkii uu reebo camalkiisa tolkiisu ma hormarin karaan.

MAALINTA 9-AAD

 عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِي اللَّه عَنْهم أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهم عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ:  "لَوْلَا أَنْ أَشُقَّ عَلَى أُمَّتِي أَوْ عَلَى النَّاسِ لَأَمَرْتُهُمْ بِالسِّوَاكِ مَعَ كُلِّ صَلَاةٍ " . متفق عليه. 

Macnaha xadiiska waa: In aan ku adkeeyo ummaddeyda oo ay dhib mutaan haddii aanan ka baqeynin waxa aan fari lahaa xilli  kasta oo la tukanayo cadayga. 

Bidhaamin:

Waxa aan ka dheefsanaynaa xadiiskan in cadaygu yahay wax aad u muhiim ah iyo sunno la adkeeyay kolka aad u fiirsatana waxa uu waxtar u leeyahay qofka iyo badqabka ilkihiisa.

MAALINTA 10-AAD

 عَنْ أَنَس رضي اللَّه عنه عن النبيِّ صَلّى اللهُ عَلَيْهِ وسَلَّم قال : « لاَ يُؤْمِنُ أَحَدُكُمْ حَتَّى يُحِبَّ لأَخِيهِ مَا يُحِبُّ لِنَفْسِهِ » متفقٌ عليه . 

Macnaha xadiiska waa: Laga ma helin midkiin rumeyn dhameystiran ilaa uu la jeclaado walaalkii waxa uu la jecelyahay naftiisa oo wanaag ah.

MAALINTA 11-AAD

 عَن أبي هريرة  أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ ﷺ ذَكَرَ يَوْمَ الجُمُعَةِ، فَقَالَ:< فِيه سَاعَةٌ لا يُوَافِقها عَبْدٌ مُسلِمٌ، وَهُو قَائِمٌ يُصَلِّي يسأَلُ اللَّه شَيْئًا، إِلاَّ أَعْطَاهُ إِيَّاه > متفقٌ عليه.

Macnaha xadiiska waa: Abuu Hureyra (RC) ayaa soo warinayo in uu sheegay Rasuulk (CSW) in maalinta Jimcaha ah ay ku jirto saacad haddii uu haleelo qofka muslimka ah isaga oo taagan oo tukanayo weydiisto Allaah waxa uu rabo lama soo celiyo weydiintiisa ilaa waa laga aqbalaa oo waa la siiyaa wixii uu Allaah weydiistay.

Aan ku dadaalno in aan haleelno saacadaas.

MAALINTA 12-AAD

عن أَنَسِ بْنِ مَالِكٍ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ قَالَ قَالَ النَّبِيُّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: تَسَحَّرُوا فَإِنَّ فِي السَّحُورِ بَرَكَةً ". رواه البخاري و مسلم 

Macnaha xadiiska: "Suxuurta, suxuurta la cunayo ee raashinka ah waxaa ku jirta barako".

MAALINTA 13-AAD

 عن أبي هريرة ، قال : قال رسول الله ﷺ : " كفى بالمرء إثما أن يحدث بكل ما سمع "  رواه مسلم. 

Macnaha xadiiska waa: Qofkaa waxaa gaf ugu filan in uu ku sheekeeyo waxa walbo ee uu maqlo. 

Bidhaamin:

Annaga waxaa caado noo ah in aan ku sheekeyno wararka aan ka maqalno idaacadaha iyo kuwa aan ka akhrinno bogagga, run ha ahaadaan ama been ha ahaadaan, waxa aan wax u sheegnaa sidii aan u maqalnay ama aan u akhrinnay annaga oo aan iska hubin ma sax baa, waxa aan faafinaynno ha ahaadaan wax aan hubno inta karaankeenna ah ama aynu iska ba aamusno.

MAALINTA 14-AAD

 عَن أَبي   أَنَّهُ سمِعَ رَسُولَ اللَّهِ ﷺ يَقُولُ: مَا مِن عبْدٍ مُسْلِمٍ يَدعُو لأَخِيهِ بِظَهرِ الغَيْبِ إِلاَّ قَالَ المَلكُ ولَكَ بمِثْلٍ". رواه مسلم. 

Macnaha xadiiska waa: Ruux kast'oo muslim ah oo walaalkii u duceeya asaga oo ka maqan malag ayuu u yidhaahda adna hel in la mid ah. 

Bidhaamin:

Walaalayaal kolka aan kala maqan nahay haddii aan isku soo duceyno midkeen ba midka kale waan wada liibaanaynaa oo malaa'ikta ayaa annagana noo duceynayso aan isku soo duceyno si aan ducada kale u helno.

 

MAALINTA 15-AAD

عن أبي صفوان عبد الله بن بسر الأسلمي، رضي الله عنه، قال: قال رسول الله ﷺ: " خير الناس من طال عمره وحسن عمله" رواه الترمذي. 


Macnaha xadiiska waa: Dad waxaa u wanaagsan qof nolaaday sanado badan oo hagaajiyay camalkiisa.

MAALINTA 16-AAD

 عن أبي جندب بن جنادة، رضي الله عنه، عن النبي ﷺ فيما يروى عن الله تبارك وتعالى أنه قال: " ياعبادي إني حرمت الظلم على نفسي وجعلته بينكم محرماً فلا تظالموا، يا عبادي كلكم ضال إلا من هديته؛ فاستهدوني أهدكم، يا عبادي كلكم جائع إلا من أطعمته؛ فاستطعموني أطعمكم".  رواه مسلم. 

Macnaha xadiiska waa: Xadiiskan waa xadiis ka mid ah axaadiista loo yaqaano XADIISUL-QUDSI oo uu Rasuulka CSW ka warinayo Allaah: Allaah waxa uu yidhi addoomadeydiyow waxa aan nafteyda ka reebay xadgudka faliddiisa waxa aan ka yeelay dhexdiina mid laga xaaraantinimeeyay ee ha isku xadgubina. Addoomadeydiyow waad wada lunsan tihiin illaa ciddii aan hanuuniyo mooyee ee i weydiista hanuunka aan idin hanuuniyee. Addoomadeydiyow dhamaantiin waad wada gaajeysan tihiin illaa ciddii aan quudiyo (cunto) mooyee ee i weydiista quud aan idin quudiyee.

Bidhaamin:

Allaah ayaa nala hadlayo oo na leh xadgudbida nafteyda ayaan ka reebay idinkana waan idiin diiday oo xaraam ayaan ka yeelay dhexdiina ee ha isku xadgubina, cid aanan anigu hanuunin ma hanuunsameeysee hanuun i weydiisata aan idin hanuuniyee oo aan idin tuso dhabbaha hanuunka. Allaah waxa kale oo uu noo sheegay in Asagu yahay quudiyaha annagana nalaga rabo in aan quudka weydiisanno.

MAALINTA 17-AAD

عن أبي هريرة رضي الله عنه أن رسول الله ﷺ  قال : "أحب البلاد إلى الله مساجدها وأبغض البلاد إلى الله أسواقها" .  صحيح مسلم 

Macnaha xadiiska waa: Dhulka loogu jaceyl badan yahay Allaah xaggiisa waa masaajidda dhulka loogu caro badanyahay Allaah xaggiisa waa suuqyada".

Masaajidda waxaa ka socdo wanaag halka inta badan suuqyada lagu hayo dhagar iyo xumaan.

MAALINTA 18-AAD

 عن عمر  قال: سمعت رسول الله ﷺ يقول: لو أنكم تتوكلون على الله حق توكله لرزقكم كما يرزق الطير، تغدو خماصاً وتروح بطاناً[1]، رواه الترمذي، وقال: حديث حسن

Macnaha xadiiska : "Haddaad Allaah u talo saarataan si dhab ah waxa uu idiin quudin (arsaaqi) lahaa sida shimbiraha oo kale waxa ay kalahdaa aroortii ayada oo calool madhan waxa ay soo hoyataa ayada oo calool buuxda".

MAALINTA 19-AAD

 عن أبي هريرة رضي الله عنه أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال: «إذا جاء رمضان فتحت أبواب الجنة وغلقت أبواب النار وصفدت الشياطين» (رواه مسلم). 

Macnaha xadiiska : Ramadaan haddii uu soo galo waxaa la furaa albaabada jannada waxaa la xidhaa kuwa naarta waxaa la katiinadeeyaa (xidhxidhaa) shayaadiinta waaweyn.

MAALINTA 20-AAD

 عن أبي جندب بن جنادة، رضي الله عنه، عن النبي ﷺ فيما يروى عن الله تبارك وتعالى أنه قال: يا عبادي إنما هي أعمالكم أحصيها لكم، ثم أوفيكم إياها، فمن وجد خيراً فليحمد الله، ومن وجد غير ذلك فلا يلومن إلا نفسه".  رواه مسلم.

Macnaha xadiiska waa:  Addoomadaydiyow tani waa acmaashiina waan idiin tirinayaa ka dib waan idiin beegayaa qofkii wanaag hela Allaah ha ku mahdiyo qofkii aan helinna naftiisa ha eedeeyo. 

Bidhaamin: 

Allaah waxa uu noo sheegay in uu acaamaasheena noo xisaabinaayo natiijada ka soo baxdana na lagu qaadayo intii janno iyo barwaaqo hesho Allaah ha u mahad celiyaan intii aan helin janno oo ka maqnaato naftooda ha eedeeyaan. Alloow na toosi oo noo sahal dhabbaha jannadaada.

MAALINTA 21-AAD

 عن أبي هُرَيرةَ رضِيَ اللهُ عنهُ عنِ النبيِّ صلَّى الله عليه وسلَّمَ أنَّه قال: ((مَن  يَقُمْ  ليلةَ  القَدْرِ إيمانًا  واحتسابًا، غُفِرَ له ما تَقدَّمَ من ذَنبِه)).  رواه البخاريُّ 

Macnaha xadiiska: Ruuxii u istaaga (tukada) Laylatul-qadriga isaga oo rumaysan, ajar doona ah, waxaa loo dhaafaa wixii dembi ah ee uu horey u sameeyey.

MAALINTA 22-AAD

 عَنْ حَفْصَةَ أُمِّ اَلْمُؤْمِنِينَ رَضِيَ اَللَّهُ عَنْهَا, عَنِ اَلنَّبِيِّ  صلى الله عليه وسلم قَالَ: - مَنْ لَمْ يُبَيِّتِ اَلصِّيَامَ قَبْلَ اَلْفَجْرِ فَلَا صِيَامَ لَهُ - رَوَاهُ اَلْخَمْسَةُ. 

Macnaha xadiiska waa: Qofkii aan niyaysan soonka waagu inta uusan dilaacin ka hor soon uma jiro. 

Bidhaamin: 

Qofka rabo in uu soomo waa in uu niyaysataa ka hor inta uusan waaga dilaacin oo aan la gaarin salaadda subax(arooryaad) haddii aysan dhicin soon uma jiro qofkaas.

MAALINTA 23-AAD

 عن أبي هريرة رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: «من نسي وهو صائم فأكل أو شرب فليتمَّ صومه؛ فإنما أطعمه الله وسقاه» (رواه البخاري ومسلم). 

Macnaha xadiiska : Ruuxii hilmaama soonka oo caba biyo ama cunto cuno soonkiisa ha iska dhameystirto Allaah ayaa quudiyay oo waraabiyay.

MAALINTA 24-AAD

 عن زيد بن خالد الجهني رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: «من فطَّر صائمًا كان له مثلُ أجرِه غيرَ أنه لا ينقص من أجر الصائم شيئًا» (رواه أحمد وأصحاب السنن وصححه الألباني 

Nuxurka xadiiska waa: Qofkii afuriya qof sooman waxa uu helayaa abaal marintiisa oo kale ayada oo aan laga nusqaaminaynin qofkii kale ee soomanaa waxbo.

MAALINTA 25-AAD

 عَن أَبي الدَّردَاءِ  أَنَّهُ سمِعَ رَسُولَ اللَّهِ ﷺ يَقُولُ: مَا مِن عبْدٍ مُسْلِمٍ يَدعُو لأَخِيهِ بِظَهرِ الغَيْبِ إِلاَّ قَالَ المَلكُ ولَكَ بمِثْلٍ".  رواه مسلم. 

Macnaha xadiiska : Qofkastoo muslim ah oo walaalkii u duceeya asaga oo ka maqan malag ayaa u yidhaahda adna hel intaas oo kale.

MAALINTA 26-AAD

: عن أبي هريرة رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: « رُب صائم ليس له من صيامه إلا الجوع، ورُب قائم ليس له من قيامه إلا السهر» (رواه ابن ماجه وصححه الألباني). 

Macnaha xadiiska: Badanaa qof sooman oo aan soonkiisa ka dheefayn illaa gaajo mooyee, badana qof taagan habeenkii oo aan ka dheefeyn illaa dhafar mooyee.

MAALINTA 27-AAD

 وعن ابن عباس، رضي الله عنهما قال‏:‏ سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول‏:‏ “عينان لا تمسهما النار عين بكت من خشية الله، وعين باتت تحرس في سبيل الله‏"‏ ‏(‏‏(‏رواه الترمذي وقال‏:‏ حديث حسن‏.‏ ‏)‏‏)‏‏.‏ 

Macnaha xadiiska: Labo indhood naar ma taabato il Allaah dartiis u ooyday iyo il Allaah dartiis u soo jeeday iyada oo cadowga ka ilaalineyso ummadda.


MAALINTA 28-AAD

عن أبي هريرة رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: «من لم يدع قول الزور والعمل به، فليس لله حاجة في أن يدع طعامه وشرابه» (رواه البخاري) . 

Macnaha xadiiska: Ruuxii aan ka tagin hadal xumada iyo dhaqanka xun inuu iska dhaafo cunnada uusan cunayn iyo cabitaanka uusan cabayn Allaah dan kama laha.

MAALINTA 29-AAD

  : أَنَّ النَّبِيَّ ﷺ قَالَ:  "وَالَّذِي نَفْسُ مُحَمَّدٍ بِيَدِهِ، لَخُلُوفُ فَمِ الصَّائِمِ أَطْيَبُ عِنْدَ اللَّهِ مِنْ رِيحِ الْمِسْكِ". متفق عليه. 

Macnaha xadiiska: Waxa aan ku dhaartay Allaha ay ku jirto gacantiisa nafta Muxammed'e  Urka ka soo baxayo afka qofka sooman  waxa uu ka udgoon badan yahay Allaah agtiisa uduga miskiga.

MAALINTA 30-AAD

: وعن عمرَ بن الخطابِ : أَنَّ النَّبِيَّ ﷺ قَالَ: إِنَّ اللَّه يَرْفَعُ بِهذَا الكِتَابِ أَقوامًا، ويضَعُ بِهِ آخَرين".  رواه مسلم 

Macnaha xadiiska: Allaah waxa uu darajo siiyaa ciddii akhrisa Qur'aanka oo ku dhaqanta, waxa uu hoos u dhigaa kuwa ka tago akhrintiisa iyo ku dhaqankiisa.

Friday, May 7, 2021

Salaan soo dhaweyn

 Waxaan kugu salaamayaa salaanta islaamka mid Soomaalinnimo iyo

walaaltinnimo.

Ku soo dhawoow walaal qalbi xalan iyo
laab xaadhan, fool furan
iyo fal fayow, maan togan iyo maskax toolmoon, barasho
hufan iyo baanasho haadsan. Waan ku faraxsanahay
doorashaddayda inaynnu noqonno facebook wadaag.
Mahadsanid.
waan rajaynayaa inaaan waxbadan kala faa'iidi doono markale soodhwow intaas waxaa kuyiri walaalkaa soomaaliyeed Abdiladif

Suaalo

 Tiro shibiro ah ayaa waxaa ay saarantahay geed quraca dushiis, sidoo kale tiro kalena waa ay hoos fadhidaa geedka, hadii shibiraha hoos jooga ay midi ka duusho oo ay kuwa sare aado, kooxda sare waxaa ay noqonayaan laba jibaarka (labanlaabka) shimbiraha hoose, dhankakale hadii sidaa si lamida kuwa sare ay midi kasoo duusho kooxda hoose u timaado kuwa hoos jooga iyo kuwa sare joogaa waxaa ay noqo nayaan tiro is le,eg.


Hadaba sheeg tira kor joogta iyo kuwa hoos jooga ee shimbiraha ah?

Tira shibiraha ah ee geedka dul saaran waa 7

Tirada shibmiraha ee geedka hoos fadhiyana waa 5

2) Waxaad sheegta suurada qur`aanka ku jirta ee aayad kastaa oo suuradaa kamida ay ku jirto lafdiga “الله”

Waa suura Al-Mujadila

3) أحمر وليس أحمر فماهو؟

بحر ا لأحمر Bada cas ) Red sea)

4) Magaalo cagaaran, dhismeheeduna casaan yahay, dadkeeduna uu madow yahay.

Waa tuma magaaladaasi?

Qaraha ama xabxabka

6) يوجد في السماء ولا يوجد في الماء ما هو؟

حرف السين ( س)

5) Ameriaca waa laga helaya, Australia waa laga helayaa, Europe waa laga helayaa xitaa Africa wa laga helayaa balse Asia laga helimaayo, sheeg waxaas?

waa xarafka R

6) Weel caanihii laga dhamoo canugu heemaadshay oo ciida loo dhigay afkii laga cashaynaayey, cayn kaasna anigaa arkee waa cajabe sheega? (Abwaan Gooni Cabdi Xaji).

Waa naasaha Xoolaha

7) Sheeg xubinta mar alaale iyo markii ay wasakhowdo noqota cadaan?.

Waa Carabka

8) Sheeg wax markii wax lagu darana yaraada ( gaabta), markii wax laga qaadana weynaada (dheerada)?.

Waa godka (bohosha)

9) sheeg naflayda aan ukun iyo ilmo toona foolan?

Waa labka

10) Wax cad oo madow baan arkee car,e yaa sheega (Sayid Maxamed Cabdulle Xasan).

Waa indhaha

Wax cad oo madow ina carow saw indhaha maahan

Thursday, May 6, 2021

maad1

 9 meere , 7 qaaradood , 230 dawladood, 2500 oo jaziiradood ,iyo 7 billion oo qof ah ayaa dunidan aynu joogno kunool Hadana sidaasooy tahay waxaad arkaysaa qof adiga kaliya kugu mashquuLsan 😹😹.


Ha tirin nabarada waqtiGa niYadane usheeg kheyr nasriGii farxadaa dhawee naftaada kusii wargeli🥺🤦🏻‍♀️😂


Tani waxay ka timid qalbigayga inaan kaaga mahadceliyo wax kasta oo aad ii qabatay waqtiyada oo dhan waxaan ilaaway inaan kuu sheego sida aan adiga kuu dareemayo iyo sida aan ugu faraxsanahay inaad noloshayda ku jirto had iyo jeerba...♥️💯💯



From boy

 He's already having a hard and painful life. If you date him pls make sure to make his life easy and stress less. Actually you don't have to do anything, if he loves you he'll do everything. Just give up that mood swing thingy, stop getting mad for stupid reasons, don't make him feel unspecial and unwanted. That's it. Try to be a little more understanding. Just don't do anything that would make him sad and his life harder. You know just being with you will make him happy and his life easy only if you act right. A boy basically seeks peace in you not just sex and those 3 magical words.

Ctto🙂

Xaqa dumar

 Markii ay dhalato waxay masuuliyadeeda fuushaa aabaheed oo waa gabar aad loo jecelyahay.


Markii ay weynaato waxaa masuul ka noqdo Ninkeeda oo waa xaas jaceyl dhab ahna waa la dareensiiyaa.

Markii ay weynaato waxaa masuuliyadeeda qaado wiilkeeda oo waa hooyo cagaha laga dhunkado ifkana loogu jecelyahay.

Janadii ayaa cagahooda la hoos geeyay qofkii aanan raali galinina carafta janada ma helo.

Markaas baa mid inta timaado waxay dhihi xaq dumar ka maqan baan soo dhicinayaa.

Tolow waa maxay xaqa uusan Allahihii abuuray siinin oo ay iyaga usoo dhicinayaan?

Qarniga 21aad

 Kusoo Dhowaada Qarniga 21-aad


Halka ay Galmada xaaranta ah tahay Free, mida Xalaasha ahna ay tahay Sicir barar.

Halka Dalabka Pizza-du uu ka degdeg badanyahay Soo gaaritaanka Ambulance-ka iyo Amniga.

Halka waayitaanka Mobilku uu ka xanuun badanyahy luminta Sharafta iyo Karaamada, Dharkuna ay qeexaan qiimaha qofka.

Halka Ballan oofinta iyo dadka u saaxiibka ah ay noqdeen wax dambeeya oo laga tagay.

Halka ay lacagtu noqotay Tusaalaha Xoriyada, Cadaalada, iyo Sinaanta.

Halka ay Beentu noqotay Xarago, khiyaanadu noqotay Caqli badni, Faqriguna uu noqday Ceeb!

Kusoo Dhowaada Casriga Madow⚫🙌

Ruux kala tagtay

 Waqti qurux badan ayaan ku haystay aniga oo kugu faraxsan, mar walbana wan dhollacaddeyn jiray. Farxad ayaan ku seexan jiray kuna so toosi jiray, balse markii aad iga tagtay aad ayaan u murugoday kuugu na xiisay. Waxaa se hubaal ah sidaan kuugu xiisay kuu na jeclahay in dadka oo idil kuu jecel yihiin. Wakhtigii aan ku haystay waan faraxsanaan jiray, cidna uma bahneen oo adigaa wehel i ahaa jiray dhan waliba. balse markii aad tagtay waxaan noqday ruux kale Markii aad ila jogtay gabadh qurux badan is kuna filan ayaan ahaa, balse markii aad tagtay wax walba way is baddalayn. Quruxdayda, awooddayda iyo dabeecaddaydaba way baddalmeen. Mar walba waan kuu soo hiloobaa. Haddii aan in yar dareemo in aan wanagsanahay wan farxaa, waana ku soo xiisaa . Waxaan ku tashan jiray in aad ila jogtid, oo aadan waligaa iga tagin. Sida aan kuugu jeclaa qiyaas maleh waxana rajeynaa gabadha ku dhaxday intaa ka badan iney ku jeclaa doonto . . Eebbe ayaan ka baryayaa in aad raas weyn noqotan ubadya qurux badan ku ildoogsatan heshaan.

Ogow dambi ma aadan kalin qadarta qoraalkana cidna ma joojin karayso .Adiga asagaa heshay kee ku nagaada rabi haga dhigo waligeen wada noolada.

Hordhaca kitaabka Ar-baciin nawawi

  Hordhac Waxa Mahad oo dhan u sugnaatay rabbiga Caalamka oo dhan u taagan maamulka dhulalka iyo Cirarka., maamulayey makhluuqa oo dhan. Soo...