Tiro shibiro ah ayaa waxaa ay saarantahay geed quraca dushiis, sidoo kale tiro kalena waa ay hoos fadhidaa geedka, hadii shibiraha hoos jooga ay midi ka duusho oo ay kuwa sare aado, kooxda sare waxaa ay noqonayaan laba jibaarka (labanlaabka) shimbiraha hoose, dhankakale hadii sidaa si lamida kuwa sare ay midi kasoo duusho kooxda hoose u timaado kuwa hoos jooga iyo kuwa sare joogaa waxaa ay noqo nayaan tiro is le,eg.
Hadaba sheeg tira kor joogta iyo kuwa hoos jooga ee shimbiraha ah?
Tira shibiraha ah ee geedka dul saaran waa 7
Tirada shibmiraha ee geedka hoos fadhiyana waa 5
2) Waxaad sheegta suurada qur`aanka ku jirta ee aayad kastaa oo suuradaa kamida ay ku jirto lafdiga “الله”
Waa suura Al-Mujadila
3) أحمر وليس أحمر فماهو؟
بحر ا لأحمر Bada cas ) Red sea)
4) Magaalo cagaaran, dhismeheeduna casaan yahay, dadkeeduna uu madow yahay.
Waa tuma magaaladaasi?
Qaraha ama xabxabka
6) يوجد في السماء ولا يوجد في الماء ما هو؟
حرف السين ( س)
5) Ameriaca waa laga helaya, Australia waa laga helayaa, Europe waa laga helayaa xitaa Africa wa laga helayaa balse Asia laga helimaayo, sheeg waxaas?
waa xarafka R
6) Weel caanihii laga dhamoo canugu heemaadshay oo ciida loo dhigay afkii laga cashaynaayey, cayn kaasna anigaa arkee waa cajabe sheega? (Abwaan Gooni Cabdi Xaji).
Waa naasaha Xoolaha
7) Sheeg xubinta mar alaale iyo markii ay wasakhowdo noqota cadaan?.
Waa Carabka
8) Sheeg wax markii wax lagu darana yaraada ( gaabta), markii wax laga qaadana weynaada (dheerada)?.
Waa godka (bohosha)
9) sheeg naflayda aan ukun iyo ilmo toona foolan?
Waa labka
10) Wax cad oo madow baan arkee car,e yaa sheega (Sayid Maxamed Cabdulle Xasan).
Waa indhaha
Wax cad oo madow ina carow saw indhaha maahan
No comments:
Post a Comment