Waqti qurux badan ayaan ku haystay aniga oo kugu faraxsan, mar walbana wan dhollacaddeyn jiray. Farxad ayaan ku seexan jiray kuna so toosi jiray, balse markii aad iga tagtay aad ayaan u murugoday kuugu na xiisay. Waxaa se hubaal ah sidaan kuugu xiisay kuu na jeclahay in dadka oo idil kuu jecel yihiin. Wakhtigii aan ku haystay waan faraxsanaan jiray, cidna uma bahneen oo adigaa wehel i ahaa jiray dhan waliba. balse markii aad tagtay waxaan noqday ruux kale Markii aad ila jogtay gabadh qurux badan is kuna filan ayaan ahaa, balse markii aad tagtay wax walba way is baddalayn. Quruxdayda, awooddayda iyo dabeecaddaydaba way baddalmeen. Mar walba waan kuu soo hiloobaa. Haddii aan in yar dareemo in aan wanagsanahay wan farxaa, waana ku soo xiisaa . Waxaan ku tashan jiray in aad ila jogtid, oo aadan waligaa iga tagin. Sida aan kuugu jeclaa qiyaas maleh waxana rajeynaa gabadha ku dhaxday intaa ka badan iney ku jeclaa doonto . . Eebbe ayaan ka baryayaa in aad raas weyn noqotan ubadya qurux badan ku ildoogsatan heshaan.
Ogow dambi ma aadan kalin qadarta qoraalkana cidna ma joojin karayso .Adiga asagaa heshay kee ku nagaada rabi haga dhigo waligeen wada noolada.
No comments:
Post a Comment