MAALINTA 1-AAD
عن أبي هريرة رضي الله عنه أن النبي صلى الله عليه وسلم قال :" ما من يوم يصبح العباد فيه إلا ملكان ينزلان فيقول أحدهما : اللهم أعط منفقا خلفاً ، ويقول الآخر : اللهم أعط ممسكاً تلفاً " . رواه البخاري ومسلم .
Nuxurka xadiiska waa: Maalin walbo oo uu waaga u baryo addoomada waxaa soo dago labo malag mid waxa uu yiraahdaa Alloow kan wax baxsaday baddal sii kan aan wax bixin ka mari(baab'i).
MAALINTA 2-AAD
عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ قَالَ قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: "مَنْ صَامَ رَمَضَانَ إِيمَانًا وَاحْتِسَابًا غُفِرَ لَهُ مَا تَقَدَّمَ مِنْ ذَنْبِهِ". رواه البخاري
Nuxurka XADIIDTH waa: Qofkii Ramadaanka ooga isaga oo rumaysan, ajar doona ah, waxaa loo dhaafaa wixii danbi ah ee uu horey u sameeyey.
Bidhaamin: waxa uu na barayaa XADIITH-KANI muhiimada ay leedahay inaan oogno bishaan barakaysan, raandhiiska ay leedahay in qofku camalka uu sameynayo la yimaado niyo wanaagsan iyo in Eebbe yahay mid naxariis badane ah. Aynu ku dadaalno acmaasha wanaagsan si Eebbe inoogu dambi dhaafo.
MAALINTA 3-AAD
أبي موسى عبد الله بن قيس الأشعري ، عن النبي ﷺ قال: "إن الله تعالى يبسط يده بالليل ليتوب مسيء النهار، ويبسط يده بالنهار ليتوب مسيء الليل حتى تطلع الشمس من مغربها".رواه مسلم.
Macnaha Xadiiska: "Allaah waxa uu fidiyaa gacantiisa habeenkii si uu ugu gaf dhaafo inta gaftay maalinkii, Allaah waxa uu u fidiyaa gacantiisa maalinkii si uu ugu gaf dhaafo inta gaftay habeenkii".
Albaabka soo laabashada iyo dalbashada dambi dhaafka waa uu furan yahay habeen iyo maalin ee haka quusan naxariista Rabbi haddaad gafto dambi dhaaf dalbo.
MAALINTA 4-AAD
عن أبي ذر رضي الله عنه: أن ناسًا من أصحاب رسول الله صلى الله عليه وسلم قالوا للنبي صلى الله عليه وسلم: يا رسول الله، ذهب أهل الدثور بالأجور، يصلون كما نصلي، ويصومون كما نصوم، ويتصدقون بفضول أموالهم، قال: ((أوَليس قد جعل الله لكم ما تصدقون؟ إن لكم بكل تسبيحةٍ صدقةً، وكل تكبيرةٍ صدقةً، وكل تحميدةٍ صدقةً، وكل تهليلةٍ صدقةً، وأمرٍ بالمعروف صدقةً، ونهيٍ عن منكرٍ صدقةً، وفي بُضْعِ أحدكم صدقةً))، قالوا: يا رسول الله، أيأتي أحدنا شهوته ويكون له فيها أجرٌ؟ قال: ((أرأيتم لو وضعها في حرامٍ، أكان عليه وزرٌ؟ فكذلك إذا وضعها في الحلال كان له أجرٌ))؛ رواه مسلم.
Macnaha Xadiiska: Koox asxaabta ka mid ayaa Nabiga SCW ku yidhi: Dadkii xoolaha lahaa wixii ajir (abaal-marin) ahaa waay la qaateen, way Tukadaan, way Soomaan sida annaga oo kale, waxa ay baxsadaan dheeriga xoolahooda (Sadaqo ahaan). Rasuulka SCW ayaa ku yidhi: Miyuusan Allaah idiin yeelin wax aad baxsan kartaan? Tasbiix(سبحان الله) kasto sadaqo ayay idiin tahay, Tahliil (لا إله إلا الله) kasta sadaqo ayay idiin tahay, Taxmiid(الحمد لله) kastaa waa idiin sadaqo, Farista wanaaga waa idiin sadaqo, Reebista xumaha waa idiin sadaqo xitaa u tagista Ooridaada waa idiin sadaqo. Waxa ay yidhaahdeen: Midkeen asaga oo gudanayo Shahwadiisa (rabitaankiisa) xitaa ma abaal-marin buu helayaa? Nabiga ayaa garan siiyay oo yidhi: Ka warrama hadduu si aan banaaneyn u guto qofka rabitaankiisa soo gaf kuma dhaco oo ganaax ma mudanayo caynkaas oo kale qofkii rabitaankiisa si sharciga ogol yahay u guto abaal-marin ayuu leeyahay.
MAALINTA 5-AAD
أوس بن أوس رضي الله عنه ولفظه: سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول: من غسل واغتسل يوم الجمعة وبكر وابتكر ومشي ولم يركب ودنا من الإمام فاستمع ولم يلغ كان له بكل خطوة عمل سنة أجر صيامها وقيامها. وقد حسنه الترمذي وسكت عليه أبو داود.
Macnaha Xadiiska: Ruuxii soo qubaysta(maydha) oo yimaado xilli hore masjidka oo soo lugeeya(socda) oo aan soo raacin gaadiid u soo dhowaada Imaanka dhageysto khudbada oo aan iska dayicin, waxa uu helayaa talaabo walbo oo uu soo qaaday abaal marinta sanad soonkeeda iyo istaageeda ah".
Yacnii haddii aad shantaas arrin qabato wax'aad ku helaysaa talaabo kasto oo aad soo qaaday ajirka soon iyo istaag (sida Salaad iwm) hal sano ah waa hadda talaabo kaste.
MAALINTA 6-AAD
عن أبي أمامة الباهلي رضي الله عنه أن رسول الله صلى الله عليه وآله وسلم يقول: «دَاوُوا مَرضاكُمْ بِالصَّدقةِ» حسنه الألباني في صحيح الجامع
Macnaha xadiiska waa: Dadka idin ka xanuunsan ku daweeya sadaqada.
MAALINTA 7-AAD
وعن عمرَ بن الخطاب : أَنَّ النَّبِيَّ ﷺ قَالَ: "إِنَّ اللَّه يَرْفَعُ بِهذَا الكِتَابِ أَقوامًا، ويضَعُ بِهِ آخَرين". رواه مسلم
Macnaha xadiiska waa: Allaah waxa uu darajadiisa kor u qaadaa ciddii akhriso Qur'aanka oo ku dhaqanto, waxa uu hoos u dhigaa kuwa ka tago akhrintiisa iyo ku dhaqankiisa.
MAALINTA 8-AAD
: عن أَبي هريرة ، عن النبيِّ ﷺ قَالَ: مَنْ نَفَّس عَنْ مُؤْمِنٍ كُرْبةً منْ كُرب الدُّنْيا نفَّس اللَّه عنْه كُرْبةً منْ كُرَب يومِ الْقِيامَةِ، ومَنْ يسَّرَ عَلَى مُعْسرٍ يسَّرَ اللَّه عليْهِ في الدُّنْيَا والآخِرةِ، ومَنْ سَتَر مُسْلِمًا سَترهُ اللَّه فِي الدُّنْيا وَالآخِرَةِ، واللَّه فِي عَوْنِ العبْدِ مَا كانَ العبْدُ في عَوْن أَخيهِ، ومَنْ سَلَكَ طَريقًا يلْتَمسُ فيهِ عِلْمًا سهَّل اللَّه لهُ به طَريقًا إِلَى الجنَّة. وَمَا اجْتَمَعَ قَوْمٌ فِي بيْتٍ منْ بُيُوتِ اللَّه تعالَى، يتْلُون كِتَابَ اللَّه، ويَتَدارسُونهُ بيْنَهُمْ إلَّا نَزَلَتْ عَلَيْهِمُ السَّكِينةُ، وغَشِيَتْهُمُ الرَّحْمةُ، وحفَّتْهُمُ الملائكَةُ، وذكَرهُمُ اللَّه فيمَنْ عِندَهُ. ومَنْ بَطَّأَ بِهِ عَملُهُ لَمْ يُسرعْ به نَسَبُهُ". رواه مسلم.
Macnaha xadiiska waa: Qofkii ka feydo walaalkiisa muslimka ah murugo ka mid ah murugooyinka adduunka Allaah ayaa ka feydayo murugo ka mid ah murugooyinka aakhiro, qofkii u khafiifiya mid dhibane ah oo deyn uu ku lahaa adduunyada Allaaha ayaa asagana u khafiifnaya adduunyo iyo aakhiraba, ruuxa walaalkii muslimka ah u ceeb astura asagana Allaah ayaa u ceeb asturaya adduun iyo aakhiro, Allaah waxa uu addoonkiisa garabsiiyaa inta uu walaalkii garabsiiyo, qofkii qaada dariiq uu ku raadinayo barashada ogaalka(Aqoonta) suuban waxa uu Allaah u fududeeyaa dhabbaha jannada, qolo iskuguma timaaddo guri ka mid ah guryaha Allaah oo ay ku akhrinayaan kitaabka Allaah dhaxdoodana isku daraaseeynayo oo wax isbarayo illaa waxaa ku soo dagta oo dushooda ahaata naxariis kaga timid xagga Allaah iyo daganaan waxaa ilaalo ka noqda Malaa'ikta Allaahna waxa uu u sheegaa Malaa'ikta kale, qofkii uu reebo camalkiisa tolkiisu ma hormarin karaan.
MAALINTA 9-AAD
عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِي اللَّه عَنْهم أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهم عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ: "لَوْلَا أَنْ أَشُقَّ عَلَى أُمَّتِي أَوْ عَلَى النَّاسِ لَأَمَرْتُهُمْ بِالسِّوَاكِ مَعَ كُلِّ صَلَاةٍ " . متفق عليه.
Macnaha xadiiska waa: In aan ku adkeeyo ummaddeyda oo ay dhib mutaan haddii aanan ka baqeynin waxa aan fari lahaa xilli kasta oo la tukanayo cadayga.
Bidhaamin:
Waxa aan ka dheefsanaynaa xadiiskan in cadaygu yahay wax aad u muhiim ah iyo sunno la adkeeyay kolka aad u fiirsatana waxa uu waxtar u leeyahay qofka iyo badqabka ilkihiisa.
MAALINTA 10-AAD
عَنْ أَنَس رضي اللَّه عنه عن النبيِّ صَلّى اللهُ عَلَيْهِ وسَلَّم قال : « لاَ يُؤْمِنُ أَحَدُكُمْ حَتَّى يُحِبَّ لأَخِيهِ مَا يُحِبُّ لِنَفْسِهِ » متفقٌ عليه .
Macnaha xadiiska waa: Laga ma helin midkiin rumeyn dhameystiran ilaa uu la jeclaado walaalkii waxa uu la jecelyahay naftiisa oo wanaag ah.
MAALINTA 11-AAD
عَن أبي هريرة أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ ﷺ ذَكَرَ يَوْمَ الجُمُعَةِ، فَقَالَ:< فِيه سَاعَةٌ لا يُوَافِقها عَبْدٌ مُسلِمٌ، وَهُو قَائِمٌ يُصَلِّي يسأَلُ اللَّه شَيْئًا، إِلاَّ أَعْطَاهُ إِيَّاه > متفقٌ عليه.
Macnaha xadiiska waa: Abuu Hureyra (RC) ayaa soo warinayo in uu sheegay Rasuulk (CSW) in maalinta Jimcaha ah ay ku jirto saacad haddii uu haleelo qofka muslimka ah isaga oo taagan oo tukanayo weydiisto Allaah waxa uu rabo lama soo celiyo weydiintiisa ilaa waa laga aqbalaa oo waa la siiyaa wixii uu Allaah weydiistay.
Aan ku dadaalno in aan haleelno saacadaas.
MAALINTA 12-AAD
عن أَنَسِ بْنِ مَالِكٍ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ قَالَ قَالَ النَّبِيُّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: تَسَحَّرُوا فَإِنَّ فِي السَّحُورِ بَرَكَةً ". رواه البخاري و مسلم
Macnaha xadiiska: "Suxuurta, suxuurta la cunayo ee raashinka ah waxaa ku jirta barako".
MAALINTA 13-AAD
عن أبي هريرة ، قال : قال رسول الله ﷺ : " كفى بالمرء إثما أن يحدث بكل ما سمع " رواه مسلم.
Macnaha xadiiska waa: Qofkaa waxaa gaf ugu filan in uu ku sheekeeyo waxa walbo ee uu maqlo.
Bidhaamin:
Annaga waxaa caado noo ah in aan ku sheekeyno wararka aan ka maqalno idaacadaha iyo kuwa aan ka akhrinno bogagga, run ha ahaadaan ama been ha ahaadaan, waxa aan wax u sheegnaa sidii aan u maqalnay ama aan u akhrinnay annaga oo aan iska hubin ma sax baa, waxa aan faafinaynno ha ahaadaan wax aan hubno inta karaankeenna ah ama aynu iska ba aamusno.
MAALINTA 14-AAD
عَن أَبي أَنَّهُ سمِعَ رَسُولَ اللَّهِ ﷺ يَقُولُ: مَا مِن عبْدٍ مُسْلِمٍ يَدعُو لأَخِيهِ بِظَهرِ الغَيْبِ إِلاَّ قَالَ المَلكُ ولَكَ بمِثْلٍ". رواه مسلم.
Macnaha xadiiska waa: Ruux kast'oo muslim ah oo walaalkii u duceeya asaga oo ka maqan malag ayuu u yidhaahda adna hel in la mid ah.
Bidhaamin:
Walaalayaal kolka aan kala maqan nahay haddii aan isku soo duceyno midkeen ba midka kale waan wada liibaanaynaa oo malaa'ikta ayaa annagana noo duceynayso aan isku soo duceyno si aan ducada kale u helno.
MAALINTA 15-AAD
عن أبي صفوان عبد الله بن بسر الأسلمي، رضي الله عنه، قال: قال رسول الله ﷺ: " خير الناس من طال عمره وحسن عمله" رواه الترمذي.
Macnaha xadiiska waa: Dad waxaa u wanaagsan qof nolaaday sanado badan oo hagaajiyay camalkiisa.
MAALINTA 16-AAD
عن أبي جندب بن جنادة، رضي الله عنه، عن النبي ﷺ فيما يروى عن الله تبارك وتعالى أنه قال: " ياعبادي إني حرمت الظلم على نفسي وجعلته بينكم محرماً فلا تظالموا، يا عبادي كلكم ضال إلا من هديته؛ فاستهدوني أهدكم، يا عبادي كلكم جائع إلا من أطعمته؛ فاستطعموني أطعمكم". رواه مسلم.
Macnaha xadiiska waa: Xadiiskan waa xadiis ka mid ah axaadiista loo yaqaano XADIISUL-QUDSI oo uu Rasuulka CSW ka warinayo Allaah: Allaah waxa uu yidhi addoomadeydiyow waxa aan nafteyda ka reebay xadgudka faliddiisa waxa aan ka yeelay dhexdiina mid laga xaaraantinimeeyay ee ha isku xadgubina. Addoomadeydiyow waad wada lunsan tihiin illaa ciddii aan hanuuniyo mooyee ee i weydiista hanuunka aan idin hanuuniyee. Addoomadeydiyow dhamaantiin waad wada gaajeysan tihiin illaa ciddii aan quudiyo (cunto) mooyee ee i weydiista quud aan idin quudiyee.
Bidhaamin:
Allaah ayaa nala hadlayo oo na leh xadgudbida nafteyda ayaan ka reebay idinkana waan idiin diiday oo xaraam ayaan ka yeelay dhexdiina ee ha isku xadgubina, cid aanan anigu hanuunin ma hanuunsameeysee hanuun i weydiisata aan idin hanuuniyee oo aan idin tuso dhabbaha hanuunka. Allaah waxa kale oo uu noo sheegay in Asagu yahay quudiyaha annagana nalaga rabo in aan quudka weydiisanno.
MAALINTA 17-AAD
عن أبي هريرة رضي الله عنه أن رسول الله ﷺ قال : "أحب البلاد إلى الله مساجدها وأبغض البلاد إلى الله أسواقها" . صحيح مسلم
Macnaha xadiiska waa: Dhulka loogu jaceyl badan yahay Allaah xaggiisa waa masaajidda dhulka loogu caro badanyahay Allaah xaggiisa waa suuqyada".
Masaajidda waxaa ka socdo wanaag halka inta badan suuqyada lagu hayo dhagar iyo xumaan.
MAALINTA 18-AAD
عن عمر قال: سمعت رسول الله ﷺ يقول: لو أنكم تتوكلون على الله حق توكله لرزقكم كما يرزق الطير، تغدو خماصاً وتروح بطاناً[1]، رواه الترمذي، وقال: حديث حسن
Macnaha xadiiska : "Haddaad Allaah u talo saarataan si dhab ah waxa uu idiin quudin (arsaaqi) lahaa sida shimbiraha oo kale waxa ay kalahdaa aroortii ayada oo calool madhan waxa ay soo hoyataa ayada oo calool buuxda".
MAALINTA 19-AAD
عن أبي هريرة رضي الله عنه أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال: «إذا جاء رمضان فتحت أبواب الجنة وغلقت أبواب النار وصفدت الشياطين» (رواه مسلم).
Macnaha xadiiska : Ramadaan haddii uu soo galo waxaa la furaa albaabada jannada waxaa la xidhaa kuwa naarta waxaa la katiinadeeyaa (xidhxidhaa) shayaadiinta waaweyn.
MAALINTA 20-AAD
عن أبي جندب بن جنادة، رضي الله عنه، عن النبي ﷺ فيما يروى عن الله تبارك وتعالى أنه قال: يا عبادي إنما هي أعمالكم أحصيها لكم، ثم أوفيكم إياها، فمن وجد خيراً فليحمد الله، ومن وجد غير ذلك فلا يلومن إلا نفسه". رواه مسلم.
Macnaha xadiiska waa: Addoomadaydiyow tani waa acmaashiina waan idiin tirinayaa ka dib waan idiin beegayaa qofkii wanaag hela Allaah ha ku mahdiyo qofkii aan helinna naftiisa ha eedeeyo.
Bidhaamin:
Allaah waxa uu noo sheegay in uu acaamaasheena noo xisaabinaayo natiijada ka soo baxdana na lagu qaadayo intii janno iyo barwaaqo hesho Allaah ha u mahad celiyaan intii aan helin janno oo ka maqnaato naftooda ha eedeeyaan. Alloow na toosi oo noo sahal dhabbaha jannadaada.
MAALINTA 21-AAD
عن أبي هُرَيرةَ رضِيَ اللهُ عنهُ عنِ النبيِّ صلَّى الله عليه وسلَّمَ أنَّه قال: ((مَن يَقُمْ ليلةَ القَدْرِ إيمانًا واحتسابًا، غُفِرَ له ما تَقدَّمَ من ذَنبِه)). رواه البخاريُّ
Macnaha xadiiska: Ruuxii u istaaga (tukada) Laylatul-qadriga isaga oo rumaysan, ajar doona ah, waxaa loo dhaafaa wixii dembi ah ee uu horey u sameeyey.
MAALINTA 22-AAD
عَنْ حَفْصَةَ أُمِّ اَلْمُؤْمِنِينَ رَضِيَ اَللَّهُ عَنْهَا, عَنِ اَلنَّبِيِّ صلى الله عليه وسلم قَالَ: - مَنْ لَمْ يُبَيِّتِ اَلصِّيَامَ قَبْلَ اَلْفَجْرِ فَلَا صِيَامَ لَهُ - رَوَاهُ اَلْخَمْسَةُ.
Macnaha xadiiska waa: Qofkii aan niyaysan soonka waagu inta uusan dilaacin ka hor soon uma jiro.
Bidhaamin:
Qofka rabo in uu soomo waa in uu niyaysataa ka hor inta uusan waaga dilaacin oo aan la gaarin salaadda subax(arooryaad) haddii aysan dhicin soon uma jiro qofkaas.
MAALINTA 23-AAD
عن أبي هريرة رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: «من نسي وهو صائم فأكل أو شرب فليتمَّ صومه؛ فإنما أطعمه الله وسقاه» (رواه البخاري ومسلم).
Macnaha xadiiska : Ruuxii hilmaama soonka oo caba biyo ama cunto cuno soonkiisa ha iska dhameystirto Allaah ayaa quudiyay oo waraabiyay.
MAALINTA 24-AAD
عن زيد بن خالد الجهني رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: «من فطَّر صائمًا كان له مثلُ أجرِه غيرَ أنه لا ينقص من أجر الصائم شيئًا» (رواه أحمد وأصحاب السنن وصححه الألباني
Nuxurka xadiiska waa: Qofkii afuriya qof sooman waxa uu helayaa abaal marintiisa oo kale ayada oo aan laga nusqaaminaynin qofkii kale ee soomanaa waxbo.
MAALINTA 25-AAD
عَن أَبي الدَّردَاءِ أَنَّهُ سمِعَ رَسُولَ اللَّهِ ﷺ يَقُولُ: مَا مِن عبْدٍ مُسْلِمٍ يَدعُو لأَخِيهِ بِظَهرِ الغَيْبِ إِلاَّ قَالَ المَلكُ ولَكَ بمِثْلٍ". رواه مسلم.
Macnaha xadiiska : Qofkastoo muslim ah oo walaalkii u duceeya asaga oo ka maqan malag ayaa u yidhaahda adna hel intaas oo kale.
MAALINTA 26-AAD
: عن أبي هريرة رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: « رُب صائم ليس له من صيامه إلا الجوع، ورُب قائم ليس له من قيامه إلا السهر» (رواه ابن ماجه وصححه الألباني).
Macnaha xadiiska: Badanaa qof sooman oo aan soonkiisa ka dheefayn illaa gaajo mooyee, badana qof taagan habeenkii oo aan ka dheefeyn illaa dhafar mooyee.
MAALINTA 27-AAD
وعن ابن عباس، رضي الله عنهما قال: سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول: “عينان لا تمسهما النار عين بكت من خشية الله، وعين باتت تحرس في سبيل الله" ((رواه الترمذي وقال: حديث حسن. )).
Macnaha xadiiska: Labo indhood naar ma taabato il Allaah dartiis u ooyday iyo il Allaah dartiis u soo jeeday iyada oo cadowga ka ilaalineyso ummadda.
MAALINTA 28-AAD
عن أبي هريرة رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: «من لم يدع قول الزور والعمل به، فليس لله حاجة في أن يدع طعامه وشرابه» (رواه البخاري) .
Macnaha xadiiska: Ruuxii aan ka tagin hadal xumada iyo dhaqanka xun inuu iska dhaafo cunnada uusan cunayn iyo cabitaanka uusan cabayn Allaah dan kama laha.
MAALINTA 29-AAD
: أَنَّ النَّبِيَّ ﷺ قَالَ: "وَالَّذِي نَفْسُ مُحَمَّدٍ بِيَدِهِ، لَخُلُوفُ فَمِ الصَّائِمِ أَطْيَبُ عِنْدَ اللَّهِ مِنْ رِيحِ الْمِسْكِ". متفق عليه.
Macnaha xadiiska: Waxa aan ku dhaartay Allaha ay ku jirto gacantiisa nafta Muxammed'e Urka ka soo baxayo afka qofka sooman waxa uu ka udgoon badan yahay Allaah agtiisa uduga miskiga.
MAALINTA 30-AAD
: وعن عمرَ بن الخطابِ : أَنَّ النَّبِيَّ ﷺ قَالَ: إِنَّ اللَّه يَرْفَعُ بِهذَا الكِتَابِ أَقوامًا، ويضَعُ بِهِ آخَرين". رواه مسلم
Macnaha xadiiska: Allaah waxa uu darajo siiyaa ciddii akhrisa Qur'aanka oo ku dhaqanta, waxa uu hoos u dhigaa kuwa ka tago akhrintiisa iyo ku dhaqankiisa.
No comments:
Post a Comment