Hadda ka hor Waxaa jiray Magaalo ka mid ah Dhulka Roomaanka oo Maanta Yurub loo yaqaan. Magaalada Waxaa la oranjiray Dardhuus. Waxaa goobta ka talinayey Hogaamiye aad u naxariis daran oo amar ku taagleyn badan oo loogu yeeri jiray Daqyaanuus. Waxa uu Dadka ku sanduleyn jiray in Sanamyada Caabudaan Cid kastena Waxaa uu ku qasbay in ay qaadato amarkaa. Kolkaan waxa ay dadka ay Haystaan Diintii Nabi Ciise. Waxaa ka hor yimid Dhalinyaro, kuwaa oo si geesinimo ah ugu soo horjeesaday amarka Hogaamiyahaas.
Waxa u yeeray Dhalinyaradii In Hogaamiyihii oo la amray in la hor keeno.
Waxa u yeeray Dhalinyaradii In Hogaamiyihii oo la amray in la hor keeno.
Markii ay horyimaadeen baa uu amray in Sanamyada Caabudaan! Ku darsa kolkaan Dadka Diinta Nabi Ciise Haysta oo Allah Caabudayaan 3 wax oo uu Allah ka fududeeyey umadda nabi Muxamed N.N.K.H iyaga lagama fududeyn. "Qaladka, Hilmaamka ama Nisyaanka, iyo Waxaa lagu Dirqiyo ama lagu qasbo, Yacnii hadii intaa ay sameyaan waxa ay ka baxay Diintooda waxaana loogu baahanyahay Towbo, Halka Nabi Muxamed intuba laga dhaafay"
Dhalinyarii Allah baa qukuubtood adkeeyey, kolkaa bay dhaheen Rabbigeen waa Rabbiga Abuuray Cir iyo Dhul, Wax ka Sokeeya Allahaana Caabudi meyno, hadii arintaa dhahnana waxa aan ku dhawaaqnay Wax Xadgudub ah.
Kolkaa buu inta uu Boqorkii yiri " Waxaa tihiin Dhalinyaro la marin habaabiyey ee socda oo soo tashta"
Dhalinyaradii waa ay baxeen kolkaa iyaga oo tashanaayo ku is yiraahdeen oraahyadaan " Kuwaani waa Qoom Sameystat Ilaah ka sakoow sanamyo ay caabudaan, Hadii ay Xujo cad ama daliil ay la imaana, Alla Maxaa ka dulmi badan qofkii Allaah ka beeniyey "
Wada tashi kedib Waxaa la isku raaacay in ıyada oo laga faa'ideysanayo Waqtiga yar ay heestaan in cawada u hoydaan God Buureed magaalada banaankeyd ku yaal, "ileyn Waxaa laga yaaba in Allaah inoo fidiyo Naxariistiisa oo arinteyna Allah inoogu diyaariyo wax aan intifaacsano"
Sidii bay taladii ku gooyeen waa ayna dhaqaaqeen oo qabteen dhankii Godka, iyaga oo wadadii sii socdo ayaa Waxaa ay wadada ku sii arkeen nin Xoolo la joogo. Markaa ay is warsadeen oo uu weydiiyey intee ku socoteen?
kolkaa bay ugu warameen in ay la baxsanayaan Diintoodii, Ninkii Xoolihii buu iskaga dhaqaaqay Waxaa horay u sii raacay dhalinyaradii "asaga iyo Eygiis" Godkii loo socday bay gaareen oo galeen. Kolkii oo ay godkii farfariisteenba waxa uu Allaah ku soo rogay dhalinyaradii Hurdo. Godku wuu Afbalaaranyahay, Cadceeda kolka ay soo baxdo toos bay ugu dhacdaa, marka ay sii dhaceysana dhinaca kale bay ugu soo dhacdaa! Muddo ku siman 300 lagu siyaadiyey 9 sanno ama 309 buu Allah cadceedii qadkeedii ka leexiyey oo godkaba meesha ugu dhici jirtay Cadceeda uguma dhacdo ! Hadii ay Cadceeda ku dhici laheyd jirkoodu waa qayirmi lahaa , maryahoodana waa ay baabi'i lahaayeen sidaa darteed Cadceedii ama qoraxdii Allaah baa ka leexiyey, Waxaa inta u dheer nimankaan waa hurdaan laakiin Allah baa hadba dhinac u gadinayey, marna dhanka midig marna dhanka bidix, meesha ay hurdaan waa meel ciid ah, hadaan la rog rogi laheyn Waxaa cuni laheyd jirkooda Ciidda ! 309kaa sanno bay meesha ku noolaayeen cunto iyo Cabitaan la'aan. Godka markaan ka warano hadii soo dul istaagi laheyd waxaad moodaa in ay Soo jeedaan laakiin waa kuwa Hurda, Eygoodii waxa uu kala fidiyey labada dhudhun Afka Godka, Hadii aadba soo eegi laheyd oo godka inaad aado u soo bareeri laheyd waxa dib u jeesan laheyd adiga oo cararaya, waxaana ku buuxi laheyd Cabsi Maadaama uu Allah dhigay ciidan Adag Godka oo ay adagtahay qof u soo bareero inuu yimaado. Waxa dhanka, maadaama uu waqti soo wareegay halaagsamay boqorkii Duqyaanuus oo ah kii laga soo cararay, Waxaana Waqtiga Xiligaa ah Hadal haynta xiligaa noqotay arrinta Dhalinyaradaa tiradooda inta ay aheyd, imisaa laga joogaa iyo beri may aheyd iwm!
Kolkii uu Allah uu Nafta ku soo celiyey ama uu soo toosiyey Maadaama waqti dheer 309 ah Hurdo ku jireen baa Waxaa dhacday in la is wareysto inta ay godka ku nagaayeen ama joogeen. Mid hadlaya baa yiri imisaa joogteen? wax ay dhaheen waxaan joognay Maalin ama Maalin barkeed. Waxaa la yiraahdaa in xiliga godka ay galeen aheyd gelin horay kolka ay soo tooseen waxaa ay ula ekaatay qorax dhac, marka maalin gelinkeed baan meesha joognay bay dhaheen. Sida ugu dheeraana arinta bay dhaheen Allah un baa og intaa joogteyn e, ee inoo dira qof lacagta wax inooga doona Magaaladii u dhuudhuunta /Dhukusa oo cunto nadiif ah inoo soo iibiyo. Waxaa loo dhiibay Wiilka mid ahaa dhalinyaradii lacagta waa uuna baxay oo Magaaladii buu qabtay, Waa Seddax boqol iyo Sagaal sanno kedib, Waxaa isbedelay Magaaladii guryihii iyo jidadkii iyo Dadkii ay ugu tageen oo ah kuwa mar horay iilka u hoyday! Dadkii ay yaqaaneen waxba kama noola, kolkaa buu wiilkii isyiri tolow ma soo ambatay oo Magaalo aan Magaaladii aheyn baad timid ! Sidaa uma sii shakin e waxa uu ku nasiibsaday 1 nin oo wax iibinayey kolkaa buu ku yiri bal alaabtaan iga iibi! Lacagta uu wiilka watana waa lacagtii berigii qaryaanuus oo xiligaan magaalada ka dhamaatay Waana lacag qaali aheyd oo dahabka cad aheyd. Waana lacag 309 sanno ka hor la isticmaali jiray, ninkii wax laga iibsanyey baa yaaban kolkii uu lacagta arkay Markaa buu hadba dhan u rog rogaa lacagta. Markaa uu wiilka weydiiyey " Wiilyahow ma wax qasnad ah oo Dadkii horay duugeen baa la kulantay!" Wiilkii baa yiri "maya lama aanan kulmin ee waa lacagteyda caadiga ah" Ninkii baa yiri war lacagtaan iminka lama isticmaalo e, Xiligii Duqyaanuus baa la isticmaali jiray !
Wiilkii baa yiri war horta soo taan shalay idinka tagnay waasee! oo uu ku daray Duqyaanuus aaway, soo taan asna shalay ka tagay !
Ninkii baa yiri war Duqyaanuus mar horuu dhintay! Wiilkii baa yiri oo dunida iiga Magaalada iiga waran?
Magaalada Waxaa hogaaminayey Hogaamiye Muslim ah.
Intaa kedib Waxaa iskugu soo aruuriyey wiilkii Magaaladii oo dhan! kolkaa buu ka sheekeeyey in ay ahaayeen Dhalinyaro ka baxsaday Ninkii Duqyaanus ahaa. kolkaa bay dhaheen " War warkiina waaba lagu muransanaaye oo hadal haynta Magaalada ayeeba noqotaye Xaqiiqo ma tahay?
Kolkaa buu yiri haayo Waxaa idiin geenaya niminkii aan ka imid, ilaa boqorkii buu warkii gaaray, boqorkii baa ciidankii soo kaxeystay Waxaa dhanka kale soo baxay Dadkii Magaalada waxa ay daba socdeen wiilkii oo hugunka daba socdo aad yaabeyso baa godkii kor yimid , ayee wiilashii hugunka maqleen kolkaa bay is dhaheen Maanta baa gacan gasheen, wiilkii gacanta lagu dhigay Ciidankiina Maanta anagaa inaloo soo diray! markiiba Salaad bay iska xirteen. Salaadii bay ku raageen oo ku dheeraadeen, markaa buu ninkii boqorka ahaa yiri suga anigaa u galaayee, godkii buu u soo galay inta ay Salaada ka baxayeen buu sugay, marka ay dhameysteen buu marxabeeyey Salaan iyo iswareysi bay galeen, markii ay warka dhameystireen Allah baa Hurdo ku soo dajiyey mar kale , sidaas bay nafta ugu baxday oo wada dhinteen. Dhimashadooda kedib baa waxa ay dadkii ku qeybsameen arintooda sida laga yeelayo. Magaalada dadku ku nool waxa u qeybsanyihiin kuwo qubuuraha ku falan oo mar walba dadkooda Saalixiinta ah meesha ay ku dhintaan masaajidyo ka dhisa iyo qolo kale oo yiraahda War adoomada ilaahay haku fidnoobinee iska daaya. Qolooyinkii markii ay murmeen qolo waxa ay tiri " Waa Addoomo Allah xaajadoodana allah baa garanayee ee bal Afka godka ama albaabka Darbi ku xirno" qoladii kale baa tiri " Taa yeeli meyno ee halka ay ku dhinteen masaajid baan ka Yeeleenaa" ugu dambeyn waxaana guuleystay Qolodii tiri in goobta Masjid baa laga dhisayaa.
Dhalinyadaa laga hadlayo waa dhalinyaradii " أصحاب الكهف " ama " Asxaabtii God Buureedka"
Qisadaan oo xita soo gaartay hadal haynteeda ilaa zamankii Nabiga oo ay xitaa ku murmeen tirada dhalinyaarada ay aheyd , Halka qolo ka dhaheen " Waa 3 oo Waxaa 4-eeyo Eygoodii, qolo kale waa 5 Waxaa 6-eeyo Eyga, qolo kalena Waxa ay dhaheen waa 7 Waxaa 8-eeyo Eyga ama Allah un baa tiradiisa yaqaano dheh baa Nabiga lagu yiri , mana yaqaanaan ilaa inyar oo dadka ma'ahe.
Cabdullahi binu Cabaas oo arintaa Dadka yar ka hadlayana waxa uu yiri Waxaa kamid ahay dadkaa yar oo tiradooda waxa ay ahaayeen 7 oo Eyga 8-eeyo.
Walaahu Aclam.
Waxaa qoray Abdiladif Yusuf