Saturday, April 11, 2020

Habeenkii TAASHKA Arooska Xiratay bay Sirtii Arooska Fikatay !

Sheekadii Taashka iyo Burburka Qoys
--------------------------------------------------------------

Hadda ka hor baa waxaa dunida iska calmaday gabadh iyo  wiil kedib waqti badan xodxodosho socotay.
Muddo markii la joogay baa Inanka wuxuu aaday Safar.  Ayadoo taasi ay jirto baa inantii goor kaste oo adeeg ka doonato Tukaan guriga u dhaw baa waxaa ka soo hor baxo wiil.  Maalin koowaad salaan,  maalin labaad salaan, Maalin sedaxaad buu wuxuu inanta ka dalbaday in la isbarto.  Ayado wax uma aragto ee waxa ay u sheegtay magaceydii iyo halka ay degantahay.  Isbarasho kedib waa la ismac-salaameeyey.  Maalin danbe waa kan inankii uu bilaabay weydiinta arimaha nafsadeyda iyo howlaheeda ku saabsan.  Inantii dhib uma arag waxa ay u sheegtay in haweenay la qabo tahay oo Ninkeyda Ku maqanyahay Safar gaaban.  Inankii baa halkaa ka arkay fursad , waxa uuna bilaabay in uu ku dhaho bal aan sii hayo booska inta uu maqanyahay.  Gabadhii yaab,  waxa ay ku adkeesatay oo tiri "walaal anigu xaas baan ahaye,  ee waxaad dalbaneyso waa wax laga xumaado fadlan xishow"
Kedib wuxuu u guda galay inuu u magaalada u galiyo oo ku faafiyo "Inuu Asaga ku xad-gudbay kana Macsiyeestay" wuxuu ku guuleystay sameyntaa ficilkaa waxaana Magaaladii ku faaftay in ay Heblaayo ka macsiyeestay wiilkii.
Muddo kedib waxaa safar ka yimid odaygii gabadha.  In yar asaga oo joogin baa waxaa soo gaartay khabarka ah in Xaaskiisii uu ku xad-gudbay inan magaalada ku nool.  Asaga oo taa la yaaban baan inankii oo socda u yimid ninkii meel ku yara buuqsan.  Wuxuu ku yiri "Haa aniga ka macsiyeestay naagtaada".  Waxa uu weydiiyey oo hadaa ku macsiyeesatay bal ii sheeg Calaamad cadeeyneesa inaad ka macsiyeesatay.  Wuxuu yiri "Waxaa Xabadka korkii ugu yaal Bar( calaamad midab madow leh oo jirka ku taala) ". Kedib Ninkii waa maleesan waayey oo waa sax waxa inanku ku hadaaqaayo.  Gabadha uu tagay oo uu weydiiyey waxa ka jiro waxa Magaalada ugu faafay.  Waxa ay dhaar ku martay in inankaas waxa magaalada ku faafiyey wax ka jirin oo ay tahay Xaas dhowrsan.  Walaahi inaan u gogol-dhaafin oo walina iga ag soo dhawaan bee ku cel-celisay.  Laakiin odaygii waa ka dagi waayey hadalkaas waxa uuna go'aansaday in uu furo.  Halkii buu ku furay Maskiintii lamasa bitay.
Dhowr sanno kedib oo gabadhii 4 ilaa 5 nin isku furtay baa waxaa galay damac ah inuu soo ceshto.  Waxa ay dhaar ka martay in ay wax ka ogolaan ilaa uu arintii soo hubsado.  Ayadoo Taas ay jirto baa waxaa ninkii loo sheegay inuu uu jiro nin wadaad ah oo magaalada gees ka degan, kaasoo Xaliyo uuna soo saaro mushkiladaha qoysaska ku dhaco.  Ninkii buu u tagay,  waxa uu u sheegay arintii qabsatay.  Kedib baa waxaa la weydiiyey in uu ka sheekeeyo Qaabka uu aroos galkoodii koowaad u dhacay.  Waxa uu bilaabay in uu ka waramo dhamaan qaabka uu u Dhacay.  Asaga oo ku wato baa Ninkii Caaqilka ahaa ku yiri,  oo ma sax baa in ay taash cad loo geliyey gabadha ayadoo Xabadkana u qaawanaa?
Ninkii baa yiri haa waa jirtaa arintaa.  Markaa buu yiri Caaqilkii inankaa waxa uu joogay Arooska habeenkaa oo ka dheelaayey.  Waxa uuna arkay Xabadka  korkeeda in ay bar  ku leedahay.
Muddo kedib xuuraansi uu sameeyey baa waxaa u cadaatay in uu wiilka Habeenka uu joogay kedib markuu cajaladii arooska uu daawatay,  halkaana buu ka qooma meeyey kana tiiraanyooday falkii uu ku kacay.

Muhiimada sheekada

1. In ay sabab  u aheyd burburka Qoyskaa Danbiga ka dhacay Habeenkaa arooska oo Loo dhigay Arooska Qaab diin iyo dhaqanba ku habooneyn, taasoo waxa ka dhashay inoo bidhaamisay Qisadaan.

Waxaa ah wax aan la iska indho tiri karin habka arooska loo dhigo waayadaan Danbe aysan aheyn mid Dhaqan iyo Diinba raad ku laheyn.  Ogow hadaa adigu hilmaamto oo iska indho tirto Habkaad qoyskaada u yagleesid in ay san ku dhisneen hab Diinta na fartay Waxa ay Halis u tahay Ciribtaada danbe ama Xiliyada  Nolosha qoyska ay isku badasho mid cakiran.  Ogowna taa waa Caradii eebe waana Macsidii Habeenkaa iyo Maalinka arooska ku kacday.  Wabilahi Towfiiq
Hadaba Maxaa kaaga baxay Sheekadaan Akhristow.

No comments:

Post a Comment

Hordhaca kitaabka Ar-baciin nawawi

  Hordhac Waxa Mahad oo dhan u sugnaatay rabbiga Caalamka oo dhan u taagan maamulka dhulalka iyo Cirarka., maamulayey makhluuqa oo dhan. Soo...