Saturday, April 25, 2020

Maxay biniaadamka u tixgeliyaan "Shinidda" oo Tuqsiga/ Tixsiga u tixgelin!

Shirkii Tixsiyada /Tuqsi


Hadda ka hor baa Waxaa shir qabsaday Tixsiyo Careysan. Markaas baa waxay dhaheyn anaga oo reer Tuqsi/ Tixsi ah iyo  bahashada Shinida ah waxa aynu nahnay isku bah. Dadku shinidu waa ay ixtiraamaano, meel bay ku xareystaan waa ay intifaacsadaan e. War nimanyahow anaga karaamada maxaa inaga qaaday!
Markaas bay ay isla qireyn in faduuli yihiin oo meel walba galaan laakiin bahasha shinida la yiraahdo in ay banaankaas ugu baxdo oo ay dadku raadsanaan aysan ıyada u imaan, ee inagana bal aan duurkaas u baxno oo biniaadamka ka tagno sida naloo soo dabto . Taladii baa la wada qaatay kedib Duurkii bey iska galeen Reer Tuqsi/Tixsi.

Dabadeed markii Duurkii dageen bey Xayawaankii duulayo ee arkaan waxa ay weydiinayeen "Horta manala hadal hayey?"
Markaa baa lagu yiraahdaa "Haa waa lagu hadal hayoo in lagaa raysaty bee dadku sheeg sheegayeen, war ninyahow Tuqsigii ilaah waa inaga kaxeeyey"

Intee arintii u cuntami weyday ayee mar kale shir iskugu yimaadeen oo loogu arinsanayo Sababta loogu imaan waayey!
Waxaa la soo saaray go'aan kale oo ah in ay Dagaalamaan oo wax kaste biniaadamka isticmaalayaan isku tuuraan, Caanaha isku tuuraan, cuntada isku tuuraan, shaaxa isku tuuraan, maraqa isku tuuraan  oo Dadka aan la dagaalanno maadama na ixtiraami waayeen oo ictiraafka na sii waayeen, Laakiin ilaa Hadda Reer tixsi /Tuqsi cid dareenkooda dareentay Nasiib darro ma jirto, ıyagana Dagaalka ma joojiyaan Dadkuna Ma fahmaan !

Noqo Shinida oo kale Si laguu raadsado ha noqon Tixsiga sidaan laguu nicin!
Qore: Abdiladif Yusuf

No comments:

Post a Comment

Hordhaca kitaabka Ar-baciin nawawi

  Hordhac Waxa Mahad oo dhan u sugnaatay rabbiga Caalamka oo dhan u taagan maamulka dhulalka iyo Cirarka., maamulayey makhluuqa oo dhan. Soo...