Sheekada Aniga iyo bisadda / Mukulaasha/ Yaanyuurta na dhex martay!
Bisadda baa warka ku bilawday, binaadam Waxaa tihiin Waxa Kaliyah ee Dunidaan loo fududeeyey, Waxaa nool iyo ma noole ahba waxa ay dunidaan u joogaan waa dartiin, Waxaa loo shaqeeya oo garab loo yahay Bini-aadam, ıyada taasi ay jirto ayaa ay Cid kaste oo shaqeyso Waxa ay Xaq u leedahay dhowrid iyo In loola Macaamilo si wanaagsan. Hadaba Waxa Dunida loo roonaado oo loo shaqeeyo Waxaa ugu Liita biniaadam maadaama kolka Wax loo qabto laga heleyn mahad naq, kolka Wax si kaa ahaadaana ka amaan heleyn oo kugu noqonayo laf dhuun gashay. Ka Bahda Xayawaan ahaan Waxa aan ugu fadhinaa biniaadamka Nafci aad u balaaran, Waxa ay Xubin kaste oo bahda Xayawaanada ugu qeybsantahay in biniaadamka la caawiyo. Waxa aan iskugu jirnaa qolo ku nool duurka oo aad ula baxdeen DuurJoog oo kuwiina miyiga ku dhaqan ka caawiyo fududeynta noloshooda, Sidaa si la mid ah Waxaa jiro qolo kale oo idinla joogto Magaalooyinka oo ugu yeerteen DabJoog. Anaga oo ah Bahda Bisadaha waxa aan qeyb ka nahnay reer Dabjoog, gaar ahaan Waxaa aanu nahnay Xayawaanka idinkugu dhaw ee Magaalada idin kula nool, idinma dhibaateyno laakiin Taa bedelkeyda Waxa aan idiin nahnay Caawiyaal meelo badan idinka caawiyo, Waxaa aan mararka qaar idinka Canaananaa Xayawaano dhanka Bii'adiina saameyn togan ku leh sida Jiirka/Dooliga. Meel uu dhawaaqeyna ka maqlana kuma dhiirado joogisteyda. Iyada oo taasi ay jirto anaga idin kuma lihin Dul saar, Waxa aan idinka Asturnaa Waxyaabaha bii'ada xumeyn kara ee Soo reebtiina haba u badnaado Hilibyada qeybtiisa aadan cunine. Sidaa si la mid ah ma nihin kuwa dhib geestee Waxaa taa bedelkeyda nahnay kuwo u raaxo jecel sida biniaadamka oo kale. Iyada oo taasi ay jirto baa Waxaa mararka qaar mar ay nafta naheyso baahi darteed suurtogal in jikada ku aragno hilib aan Daboolneyn kedibna aan Nafta ku qabowjino, Laakiin Nasiib darro se waxa goor ay xero iyo fandhaal kala dhaceen Waxaa goobta soo galeyso qofkii hilibka iska dayacay kolkaa bay inta soo haabato waxa agteyda yaal ay leedahay Kab hoo, Kasho hoo, bakeeriga hoo, baaldiga hoo iwm... kolkaa baa Waxaa nagu dhacayaa jug ka daran baahidii na heysay, Xitaa sida igu maqaalo ah Meelaha ka timid Afrika, gaar ahaan Soomaaliya Ma jirto qaar cid isbitaal na geyso oo Xaaladeyna iska wareysaneeso. Jugtaas baa qaarkeyn wedka ugu soo galaa qaar kalena wedka ku sugtaan!
Waxba yaan kugu daalin Cabdiladifow Maanta oo dunida ka jiro Cudur Kawada dhawaajiyey Reer Bini-aadam waxa uu sababay in ayagii iska shakiyaan uu mid walba kan kale ka Cabsado, uuna Wehel u baahanyahay. Waxa aan Sida noo Caadada ah la qabnaa dhibta Reer Bini-aadam Waxaa idiin nahnay Wehel Cidlo haka Cabsanina laakiin Hana Waxyeeleenina. Bisada oo warkeyda wadata baa tiri Maantana waxaa aan kaa codsanayaa in Fariinta iga gaarsiiso Biniaadanka ka dhalatay gaar ahaan kuwa Soomaalida una Sheeg in guryahooda ku ekaadaan, Allahowda ku Xirnaadaan, Isku Naxariistaan una Naxariistaan Wax Alaale iyo Wixii Bii'adooda kula dhaqan. Waa idin jecel nahnay Waxa aan idiin Rajeyneenaa Bedqab iyo Xasilooni.
Intaa kedib aniga oo Dareenkeyga la qiyaasi kareyn siduu Xiligaa ahaa baan ka raaligaleeyey dhibta ay sheegaday, Uguna Mahad naqay garab istaaga goor walba noo muujiso. Kedib Wada galnay sawir Farxad leh.
No comments:
Post a Comment