Markii ay aheyd Sanadkii 8-aad ee hijriyada Waxa islaamka u hogaansamay Qaar kamid ah Boqorada Carabta,Carar iyo Diidmo ay kala horyimaadeen Nabiga kedib Waxa allaha quluubtooda ku jilciyey iimaanka waxa ay noqdeen kuwa adeeca Nabiga.
Boqoradaa Waxaa ka mid ah Caddiyi binu Xaatim.
Caddiyi islaamnimadiisa ka hor waxa uu ahaa mid ka dhaxlay boqortooyada Aabihii. Waxaana loo qoondeyn jiray qaadasha Afar meelood meel qaniimada la soo helo waxaana u Hogaamiye u ahaa qabiilka Daa'i oo u dhiibtay hogaankii.
Markii uu Nabiga la jahray oo shaaciyey fididna Diinta islaamka oo ay carab qabiil ka qabiil u hogaansaday amarka rasuulka, Caddiyi waxa uu u qaaday Nabiga cadaawad aad u daran asaga oo waligii arag. Waxa uuna intaa ku sugnaa ku dhawaad 20 sanno uu la coleetamayo Nabiga.
Caddiyi oo ka sheekeenayo qisadiisa inta uu islaamin ka hor baa waxa uu leeyahay Waxa Bari ilaa Galbeed gaaray Ciidanka islaamka iyo amarka Allaah iyo Rasuulkiisa. Markaa waxa ku dhahay mid addoon ii ahaa , "Aabahaa ku waaye, ii diyaar Hal Cayilan oo geella kamid ah, kuna soo xir meel ii dhaw, Hadii aad maqasho in Muxamed iyo ciidankiisii soo galeyn Magaalada i soo ogeysii. Aroor arooryada kamid ah baa Addoonkii ii yimid iguna yiri, inuu arkay ciidan calamo sito oo guryaha dhex wareegayo. Waxa uuna igu yiri waa ciidankii muxamed. Waxaana iri ii diyaari hashii" Waxa aana guda kalay in aan u diyaargarowbayo in aan u safro Dhulka Shaam oo ay joogaan dad igu diin ah. Mar aan Magaalada ka baxay baan ogaaday in aan ka soo tagay Walaashaydii. War ay noqosho wax ii tareynee. Kedib Waxaan sii watay safarkeygii. Gabadhii waxa ay gacanta u gashay ciidankii maxamed oo ay kamid noqotay dadka la qafaashay oo masjidka Nabiga ee madiino lagu ag xiray .
Mar uu Nabiga ag marayey Dadka la qafaashay agtood baa waxa la hadashay Caddiyi walaashiis Nabiga waxa ayna ku tiri ereyadaan.
Rasuulka Allow, Waalidkeygu waa dhintay, Midkii ila dhashayna waa tagay ee iga galadeyso Allaha ku galadeystee(Yacnii i fasax in aan baxo).
Nabigaa ku yiri midka kula dhashay waa kuma ?
Waxa ay tiri waa Caddiyi binu Xaatim.
Nabigaa yiri ma midkii Allah iyo Rasuulkiisa ma cararaa!
Kedib Nabiga waa dhaqaaqay.
Waxaa soo wareegtay Maalin kale waxa ayna Nabiga ku tiri hadaladii ay shalay horay u tiri. laakiin Nabiga waa ka dhaqaaqay maalintaana.
Waxaa soo martay Maalin kale , laakiin markaan waa ay quusatay in ay wax dhahdo. Laakiin Waxaa u baaqay oo qaab ishaaro camal ku yiri : Wax ku dheh Nabiga.
Waa ay istaagtay waxa ayna tiri hadal lamid ah midkii horay u tiri.
Markaan Nabiga waxa uu ku yiri, Waan kaa ogolaaday ee laakiin haku degdegin bixid ee iila imaw Qof lagu kalsoonyahay oo qoomkaaga kamid ah ah ee ku gaarsiiyo Dhulka shaam. Hadaa la imaatana isoo ogeeysii!
Waa ay sii joogtay ilaa ay ka heshay koox qoomkeyda kamid ah, Markaa ee Nabiga ku tiri: Rasuulka Allow waxa aan haleelay Jameeco qabiilkeyga kamid ah oo Kalsooni iyo in ay igaarsiinayaan ku qabo.
Nabiga waa uu marasheeyey( Siiyey dhar) Waxa uuna siiyey Hal ay raacdo, Waxa kale uu siiyey Sahay kaafin karta. Waxa ayna la baxday safarleydii.
Caddiyi baa ku daray, in ay aad raadaceynayeen (raaraadinayeen) Akhbaarta walaashood, oo aad u sugayaan imaanshaeyd. Laakiin Waxa aan rumeyn kari waayey, hadalka sheegaya in walaashey la soo fasaxay uuna u sameeyey Ixsaan iyo wanaag Maxamed, aniga oo og in ay jirto dhib aan ku qaabili jirtay Asaga.
Maba fadhin in yar waxaaba soo gashay walaashay, oo ku celcelineyso ku dhawaaqida ereyadaan... "Qaraabo goys yahow daalimka ah, Waxa aad Horay u sii wadatay Xaasaskaaga iyo Caruurtaa, Waxaana ka tagtay, qofka Kaliyah ee ka haray kuwii kula dhashay, Cowraraada ka tagtay"
Waxa aan ku dadaalay in aan sasabo oo raaligeliyo, Waana raali noqotay ugu danbeyn. Waxa ayna iiga warantay khabarkeydii waxa ayna aheyd Qof Caqli badane.
Kedib Waxaan weydiiyey Arinta Ninka ay aragtay (Yacnii Rasuulka"?
Waxa ay ku tiri: Walaahi waxaan kuu soo bandhigaa in aad ku degdegto lakulanka ninkaa, Hadii uu noqdo nabi ahaw kuwa ugu horeeya ee fadliga helo, Hadii uu ahaada Boqorna lagu duleyn maayee adiga oo Caddiyi ah baaba ku fiican la kulankiisa.
Caddiyi baa ku daray kedib waxaan diyaarsaday qalqaaladeyda safarka ilaa aan ugu tagay Nabiga Magaalda Madiino aniga oo iga horeyn cid imaan galisa ama Qoraal horay u dirsaday oo ku saabsan Kulanka.
Waxa aana horay u maqlay Nabiga oo dhahayo Waxa aan rajeynayaa in uu Allaah yeelo gacanteyda gacanta Caddiyi, kulano yacnii.
Waan soo galay Madiina Asaga oo masjid ku jira Nabiga Waana Salaamay.
Waxa uu Nabiga igu yiri waa kuma ninkaan?
Waxa aan ku iri waa Caddiyi binu Xaatim, Nabiga Waxaa uu qabtay gacanteyda waxa uuna ila aaday dhanka gurigiisa.
Intaa aan Wadada ku jirnay baa Waxaa Nabiga la kulantay Haweenay Waayeel ah oo Tabar daran, Waxa ayna wadataa cunug yar, Nabiga ay istaajisay Waxa ayna guda gashay in ay kala hadleyso danteyda. Waxa aan ahaa Macigooga ilaa uu Nabiga u dhameeyey Xaajada Haweyneeda aniga oo taagan. Waxaan si hoos isku dhahay walee kan boqor maaha!
Waxa aan sii wadanay socodkii ilaa an ka gaarno guriga Nabiga. Kedib waxa uu ii soo tuuray barkin oo ay aheyd Sheyga ugu qiimaha badan ee guriga yaalo marka loo fiiriyo Waxa uu ka sameysanyahay. Waxa uuna igu yiri ku dul fadhiiso barkintaan. asagana waxa uu fadhiistay dhulka .
Waxa aan hoos iska dhahay walee arintaan arin boqor sameyn lahaa maaha.
Kedib nabigaa hadlay oo yiri: Soo maadan aheyn mid heesta ama ku dhaqma Diinta Rukuus?
Waxaan dhahay haa.
Waxa uu intaa raaciyey soo ma aheyn mid qoomkiisa siiyo Xoolaha afar meelood meel taa oo Diintaadu kuu xalaaleyneen.
Waxaan Xaqiiqsaday in u yahay Nabi la soo diray.
Nabiga baa sii watay hadalka oo yiri " Caddiyow Waxaa laga yaaba in soo galista Diintaan kaa hor istaagsaneyd marka aad aragtay Xaalada Muslimiinta oo ah kuwa fakhiiriin. Wallaahi Waxaa soo deg degaya in Xoolaha badnaanshahooda darteed in la waayi doono cid La siiyo Xoolo iyo Maal !,
Waxaa laga yaaba in Caddiyow kaa reebeysay soo galida diintaan Yaraanta Muslimiinta iyo badnaanshaha Cadowgooda, Wallaahi Waxaa soo deg degeysa ina aad maqasho Haweyneyda ka imaaneysa "Qaadisiya" oo wadata Ratigeyda in ay soo ziyaaraneyso beedkaan ayada oo Axad aan Allaah aheyn ka baqaneyn.
Waxaa laga yaaba in Soo gelista diintaan kaa hor istaagsaneyd in aad u aragtay Boqortooyada iyo Saldanada mid Muslimiinta loogu talagalin, Allaah ku dhaaranayaa Waxaa soo deg degaya in aad maqasho guryaha Cad cad ee dhulka "baabil, waxa ay dhacdaa Ciraaq" in la furdoono, Waxaana gacanta lagu dhigi doonaa boqortooyada Kisraa binu Hurmuz ( oo ahaa boqortooyada ugu weyneed xiligaa)
Waxaan Nabiga ku iri Ma boqortooyada "Kisraa binu hurmuz"
Haa waa boqortooyada "Kisraa binu hurmuz" buu Nabiga ku yiri.
Markaa baan waxaan qiray kalmada Towxiidka, Waana islaamay.
Caddiyi Allaha ka raali noqdee Waxaa la siiyey cimri dheer, Waxa uuna goobjoog ka noqdo Labo kamid ah 3dii dhacdo bu Nabiga ugu waramay.
Waa midee Waxa uu indhihiisa ku arkay Haweyneydii geeleyda ka soo kaxeysatay Qaadisiya oo ayada oo Wax cabsi ah qabin Imaatay Beytkii Nabiga. Marka laga hadlaayo furashadii Boqortooyadii Kisraa Waxa uuba kamid noqday Dadkii ugu horeeyey ee weeraray goobta.
Laakiin middii sedaxaad waxa ay dhacday Xiligii Khaliifadii Zaahidkii Khaliif Cumar binu Cabdicaziiz. ilaa la waayey cid qaadato Maalkii Zakada oo kamid ah fuqarada Muslimiinta, Cidna lama helin.
Waxaa dhabowbay hadalkii Rasuulka.
Allaha ka raali noqdo Caddiyi binu Xaatim iyo Dhamaan Asxaabta Rasuulka (S.C.W)
No comments:
Post a Comment